Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

Hargeysa-(Berberanews)-Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bil gudaheed ah laga soo dejiyay Sarkaalkii labaad oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib markii lagu qabtay Saddex Jiirood oo dhaca afaafka hore ee Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Ninkaan, ayaa gaari ka soo raacay deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 18km u jirta Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey, waxaana gacanta ku dhigay Ciidamada Dowladda Somaliya, xilli ay hawlgal ka wadeen duleedyada Garbahaarey.

Ninkaan oo lagu magacaabo Xuseen Bille Uunsi, ayaa gacanta Ciidanka Dowladda soo galay maalintii Jimcaha, waxaana Sabtidii shalay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Gedo Korneyl Maxamuud Cali Aadan iyo Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, oo ka tirsan Saraakiisha Ahlu Sunada Gobolada Koofureed, ayaa ninkaasi u soo galbiyay Magaalada Muqdisho.Alshabaab

Wararka waxay sheegayaan in Sarkaalkaasi uu muddo afar sano ahba uu walxaha qarxa u samayn jiray mintidiinta Ururka Al Shabaab, ee dagaalada ka wada Gobolka Gedo.

Dhammaadkii bishii December, ayaa waxaa Gobolka Gedo lagu qabtay Sakariye Ismaaciil Xersi, xilli uu ka soo baxsaday Ururka Al Shabaab, waxaana maalmo ka dib la geeyay Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kaga dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirkii Al Shabaab.