Cimilada Kala Duwan ee Caalamka ka Jirta oo Saamaysa Habka Luuqadaha Bina’aadamka

Berberanews-Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah, ayaa daboolka ka qaadday in ku dhawaad 6,500 luqadood caalamka lagaga hadlo, cilmilada kala duwan ee dunida ka jirtaana ka qaybqaadato hababka afafka loogu kala hadlo.

Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in cimilada huurka ah ee gobollada kala duwan ee caalamka ka jirta ay keento in dadku ku hadlaan erayo aad u kakan oo aan si fiican loo fahmin.

Luqadaha ku dhawaaqistoodu aadka u badan tahay ee ka jira Yurub oo Ingiriisigu ku jiro waxa inta badan ku hadla dadka degaannada qalalan ku nool amma meelaha qabo ee woqooyiga amma degaannada saxaraha ah.

Sidoo kale, waxay cilmi-badhayaashu sheegeen in arrintan masuul ka tahay marka uu qofku qaato hawo qallalan ay keento in cunuhu engago, kadibna ku adkaato inuu kala baxo, taasina ay keento in ay soo saarto kelmado kakan.D

Luqadaha Yurub oo intooda badan ay awoowayaashood ka dhaxleen, looguna yeedho Proto-Indo-European oo lagu hadli jiray 6,000 sanno ka hor, waxa la sheega in ay ku hadli jireen dad ku noola degaannada qallalan ee Pontic Steppe la yidhaa oo ku teedsan waqooyiga Badda Madaw.

Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Miami, ayaa badka soo dhigtay in dadka degaannada qallalan ku nool luqaddoodu ka fududahay kuwa degaannada huurka ah ku nool.

Dr Caleb Everett oo ka mid ah khubarada daraasadoodan lagu daabacay wargeyska la yidhaa Proceeding of the National Academy of Science, ayaa baadhitaan ku sameeyey in ka badan 3,700 af oo caalamka lagaga hadlo, waxaanay ogaadeen in 629 ka mid ah lah-jad ahaan aad u kakan yihiin, kuwaasoo dalalka lagaga hadlo badankoodu dhacaan cilmilada kulul ee Afrika iyo Koonfurta Eeshiya ah iyo waliba degaannada huurka ah ee woqooyiga Amerika, Amazonia iyo New Guinea, halka luqadaha lagaga hadlo Vietnam, Burma, China iyo meelo badan oo waddamada Saxare-u-eka ah sida Nigeria waa qaar dhawaaqistooda luqaddoodu fududahay.

Afafka lagaga hadlo Mongoliya, Masar iyo Amdo Tebetan oo badankoodu dhaca meelo qalalan laf ahaantoodu waa qaar aad fudud xagga ku dhawaaqista iyo marka ay dhuunta qofka ka soo baxayaan.

Haddii daraasaddan cusub tahay mid sax ah waxa hubaal ah in dadka meelaha qalalan degen ay heli karaan habab ay luqadooda ku adkeeyaan si aan hore loogu baran.