Agaasimaha Idaacadaha Radio Hargeysa Xasan Maxamed Yusuf oo ka hadlay su’aalaha ka soo noqday Tallaabadii lagu bedelay Heestii Astaanta Tv-ga iyo Idaacadda

Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimaha Idaacadaha Radio Hargeysa Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta kulan ugu qabtay Hawlwadeennada Xarunta Wasaaradda Warfaafinta hawalwadeennada Idaacadda, ayaa faahfaahin dheeraada ka bixiyay go’aankii ay Wasaaraddu ku bedeshay Heestii astaanka ee Telefiishanka iyo Idaacadda Somaliland.

Md Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay in dad badani siyaasadeeyeen go’aankii ay Wasaaraddu ku bedeshay Heestaas oo ay Somaliland wadaagi jireen Telefiishanka Somalia, taasina sabab u noqonay inay tallaabadan qaadaan.

Halkan ka daawo Shirka jaraa’id oo dhammaystiran.