Marwadda Maayarkii Hore Ee Boorama Oo Ka Hadashay Hawl-galkii Ay Ciidamadda Amaanku Kula Baxeen Saygeedda

Boorama (Berbera news) Ooridda Guddoomiyihii hore ee Golaha Deegaanka Degmadda Boorama Cabdiraxmaan Shidde Bille ayaa ka Warantay qaabkii ay Ciidamadda Amaanku u xidheen Saygeedda.
 
 
Marwadda Duqii hore Boorama oo maanta Warbaahintu wax ka weydiisay qaabka loo xidhay Saygeedda, waxaanay sheegtay in Ciidamaddu ay Saaka xidheen laba Caruur ah oo uu dhalay.
 
 
Waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Waanu iska fadhinay wax Waaran ah oo ay Askartu siteen ma jirin, si Sharci-darro ah oo aad moodayso in Al-Qaacida meesha ku jirto, Afar Qabaal-bay ahaayeen Askarta tiradoodda ma garanayno intay ahaayeen. Si Arxan-darro ah ayay Caruurtii u jidheen isagii (Odaygaygii) oo ay qaadeen wey wadda dul-mareen dhamaantoodd, ilaa hadda-na wuu na haystaa Qorigii iyo hanjabaaddii ilaa 10:30 subaxnimo ayay hayad, wax alaale iyo waxaanu ognahay ma jirto oo nalagu haysto. Haddii ay cadayn hayso Dawladdu iyadda cadaysan-doonta oo sheegan-doonta.”
 
 
 
Marwadda Duqii hore ee Boorama waxay intaas ku dartay.“Saakana laba Caruur ah oo uu dhalay-baa la xidhay, laakiin Xalay keligii uun-baa la qaaday wax Rabshad ah oo aan ogayn ma jirto. Guriga-na wey baadheen oo wax ay ka heleen ma jirto ileen anagu Al-Shabaab na nihine Askartiina dhamaantood wey ku wareegsan-yihiin Guriga, waxay baadhayaa-na lama garanayo”
Halkana ka daawo.
 

Berbera news/Boorama.