Xikmadda ku jirta magacyada dad dunida ka caan ah oo mushaharkoodu sannadkii 1 dollar yahay

Hargeysa-(Berberanews)- Waxaa laga yaabaa in qaar badan oo innaga mid ahi ay si uun u maqleen ama u akhriyeen filimka Maraykanka ah ee ‘Dollar-a-year Man’ oo ahaa maadays. Nasiib darro filimkaas uu jilayey Fatty Arbuckle oo soo baxay sannadkii 1921kii waxa uu ka mid noqday filimada Maraykanka ah ee lumay ama hadda aan nuskhad laga haynin, waxa aanay dad badani is weydiiyaan nuxurk uu siday iyo sida ay suurtogal u tahay in uu jiri karo shakhsiyadda uu filimku malo-awaalayey oo ah nin sannadkii dakhligiisu hal doolar yahay.

Baadhitaan uu sameeyey wargeyskan Geeska Afrika waxa uu ku ogaaday in dunidan casriga ah ee noloshu qaaliga tahay siina qaaliyoobayso maalinba maalinta ka dambaysa, ay haddana jiraan maareeyayaal iyo maamulayaal ganacsi ama madax sare oo dowladeed oo mushaharka sharciga ah ee ay shaqadooda ku qaataan uu yahay Hal Doolar sannadkii. Dadkan iyagu iskood u go’aansaday in shaqada ay hayaan ay ku qaataan Sannadkii Hal doolar waxa ay caan ku yidhiin hal-ku-dhegga afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, “Dollar-a-year men”

Sababta ay Hal-doolar u qaateen sannadkii ee aanay iskaga deyninba:

Waa run in qaar badani ku fikir karaan waa maxay xikmadda ku jirta in qofku uu sannadkii qaato Hal doolar, isaga oo is weydiinaya sababta uu qofkaasi isagaba deyn waayey halkaas doolar. Sababuhu waa ay badnaan karaan, laakiin saddex ayaa uu Geeska Afrika ka soo qaadanayaa:

1 dolar

Si ay u caddaato in qofku uu ka mid yahay shaqaalaha shirkadda, waxaa uu sharciga shirkaddu kallifayaa in qofku uu ku jiro liiska Mushahar-qaadayaasha shirkadda oo ah shaqaalaha rasmiga ah, caadi ahaanna nidaamka mushahar ee dunidu u badan tahay waxa uu ku salaysan yahay sannadle, si ka duwan keenna oo ku xisaabsan bille. Haddaba  xikmadda ugu mudan ee arrintan ku jirtaa waa in qofkan sannadkii halka doolar qaadanayaa uu ku jiro liiska mushahar qaadasho ee shirkadda, ururka ama dowladda si ay u caddaato in uu shaqaalaha rasmiga ah ka mid yahay. Markaa halka doolar ujeedadiisu waa keliya in qofkani uu ku galo Liiska mushahar-qaatayaasha shirkadda. Dhinaca kalana sharciga shaqaalaha ee dalka Maraykanka ayaa mamnuucaya in dowladdu ay aqbasho adeegga iyo xoogga qof shaqaal ah oo aan mushahar qaadanayn, maadaama oo arrintani bilowgeedii ka dhacday dalka Maraykankana waxaa qasab noqotay in qofkan tabaruca ku shaqaynaya aan xooggiisii iyo cilmigiisii la celin, laakiin haddana la waafajiyo sharciga dalka oo lagu daro liiska shaqaalaha mushaharka qaadanaya.

Taariikhda Mushaharka Hal-doolar sannadkii ahi uu bilowday:

Xilliyadii uu sida kulul u socday dagaalweynihii kowaad ee adduunka, iyo dagaalkii labaad iyo sidoo kale dagaalkii Kuuriya oo sida taariikhda ku xusan ay ku naf waayeen malaayiin dad ah, tiro intaas ka sii badanina ay ku naafoobeen ayaa waxaa si weyn dunida guud ahaan iyo si gaar ah dalka Maraykanka looga dareemay baahida loo qabay xoog shaqeeya oo iyagu aan dagaallada gelin si dhaqaalaha afka dhulka daray aanu u naf bixin. Nasiib wanaag waxaa soo baxay dad aqoonyahan u badan oo iyagu dusha u ridday masuuliyadda dagaalka gudaha oo ah dagaalka lagu badbaadinayey dhaqaalaha dalka Maraykanka, dadkani waxa ay ku tabaruceen in ay maamulaan, kana shaqaysiiyaan xoogga shaqaale ee shirkadihii iyo xafiisyadii dowladda. Si looga badbaado in dadkan tabaruca ah laga faa’idaysan waayo, sidoo kalana aan loo jebin xeersha shaqaalaha Maraykanka ee xaaraanta ka dhigayey in dowladdu ay aqbasho adeegga iyo shaqada qof tabaruc ah oo aan mushahar qaadanayn, waxaa xal dhexe noqday in dadkan tabaruca ku shaqaynaya loo sameeyo mushahar magac u yaal uun ah si ay u helaan sharciyadda ah in ay shaqaale yihiin. La soco…