Salaadda Ciidal Adax Oo Laga Tukaday Hargeysa Iyo Madaxweyne Siillaanyo Oo Shacabka La Tukadday

Hargeysa (Berbera news) Kumanaan ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa saaka Tukadday Salaada Ciidal Adxa, waxaana Masjid Jaamac Magaalada Hargeysa kula tukadday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
 
 
 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa Shacabka Somaliland ku Bogaadiyay Munasibadan Ciidal Adxa, waxaanu ugu baaqay Bulshadda inay ka shaqeeyaan adkaynta Nabad-geliyadda.
 
 
Qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasadda iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo guud ahaan Umadda Islaamka.
 
 
Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa iskugu hambalyaynayay farxada ku aadan Munaasibada Ciidal Adxa, kuwaas oo wajiyaddooda laga dheehanayay dareenka Farxadeed ee ku aadan Ciida.
 
Halkan ka daawo.
 
 

 
Berbera news/Hargeysa