Agaasimihii Telefishanka Xayiran Ee UNIVERSAL Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa (Berbera news) Ciidamadda Booliska Magalaaladda Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimihii TV-ga Universal ee Somaliland Maxamed Caabdi Digaale, waxaana la sheegay in xadhigiisa loo aanaynayo ka dib markii Xafiiska UNIVERSAL ee weli Xayiraaddu sarantay uu Barnaamij ka duubay Fanaaniinta Xiddigaha Geeska.
 
 
Warka ayaa intaas ku daraya in Maxamed Caabi xalay fiidkii laga soo qabtay Guriga uu ka degenaa Magaalada Hargeysa, Isla-markaana uu hadda ku xidhan-yahay Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hareysa.
Xukuumadda Somaliland ayaa Telefishanka UNIVERSAL Xayirtay bishii February hee Sanadkan, ka dib markii uu baahiyay Barnaamji lagu magacaabo Faaliyaha Qaranka, kaas oo uu kaga hadlay in ay dhaliilo dul-hooganayaan Hoggaaminta Madaxweyne Siilanyo.
Maamula Telefishanka UNIVERSAL ayaa ilaa hadda ka hadlin Xadhiga Agaasimahooga Somaliland.
 
 
Berbera news/Hargeysa