Horn Cable: Nin adduunyo doondoonayaa, daacad noqon waaye!‏

Aniga oo aad uga xun, waxa aan jecelahay in aan halkan tix kooban ku xoojiyo war-saxaafadeedkii ay dhawaan soo saareen Xisbiga UCID ee sida cad loogu qeexay majare-habaabinta lagu sameeyay wararka telefishanka Horn Cable TV oo aad mooddo in uu guul-wadeynta kula tartamayo SLNTV. Waxa mahad Alle ah in warkaasi uu soo jeediyay dareenka dad badan oo ah mucaaridka Somaliland, weliba waxa aan ogahay in ay gaadhsiisan tahay heer lagu taamayo in tallaabo laga qaado!

Haddii ay xukuumaddu u dulqaadan weyday, war uu habeen baahiyay sannadkii 2012ka oo ay albaabbada u laabtay, waxa aan bogaadinayaa dhallinyaro ku dhawaaqday in ay ficil ku muujin doonaan saluuggooda. Inta aan ogahay, waxa hawshan aan la mahadin ka masuul walaalkay, saaxiibkay Agaasime Maxamed Cabdi Sheekh oo aan rabo inaan isaga iyo bahda HCTV kula kaftamo dhawrkan meeris

Nin adduunyo doondoonayaa, daacad noqon waaye
Agaasime damiirkii wacnaa, duugtay idilkiiye
Hadba doollar kii baaqayaad, dacal ka raacdaaye
Adoon dawladduun “haa” u odhan, waa dillaalnimo’e
Dareenkaygu waa inaan saluug, diidmo soo dhigo’e

Dhaaxaan dadweynaha lahaa, “daaya” waa madaxe
Imakana daraasiin qof baan, soo durbaan timiye
Waxa dayrta soo kici raggaad, daafad erideene
Bal aan eegno doorkiyo haddeer, waad durduriseene!

Mujaahid Khadar Gaaxnuug 
Hargeysa

Tebinta

saedmgahair@