Madaxweyne Hadyad walxo mamnuuc ahi ku jiraan guddoonsiiyay Xoghayaha QM

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, ayaa xafladda dhalashadiisa 70aad helay hadiyaddo qaar ka mid ah khatar yihiin, kadib markii Madaxweynaha Bolivia Mr. Evo Morales uu u diray keeg ka samaysan caleenta Coca-ha oo ah mid khatar badan, caalamkana laga mamnuucay.

Madaxa UN-ta waxa uu ku sugan yahay magaalada Santa Cruz ee dalka Bolivia, kaasoo damacsan inuu kulan la qaato waddamada G77-ka si uu ugala xaajoodo hoos-u-dhigga saboolnimada.

Haddaba, caleenta Coca waxa loogu talogalay in laga sameeyo daroogada Cocaine la yidhaa, waxaanay meelaha qaar ka tahay sharci, maadaama dadka qaar dhaqan ahaan u lahaayeen inay shaah ahaan u isticmaalaan amma macmacaanka dhigtaan ammase daawo-dhaqameed ka dhigtaan, balse waxa lagu mamnuucay kulan  Qaramada Midoobay ku yeesheen Vienna sannadkii 2012.

Caleentan ayaa dadka qaar dhaqan ahaan u cunaa si ay uga helaan tamar amma xannuunada qaar isaga daaweeyaan.

“Shacabka Bolivia waligood ma hilmamayaan booqashadaadan,” ayuu yidhi Morale oo la hadlayey Ban oo ku sugan meel dad badan ku soo dhawaynaayeen.

evo-morales