Wax a baro cuntooyinka caafimaadka timaha u wanaagsan

Iyadoo shambooga, nadiifinta timaha, kiriimada iyo waxyaabaha nafaqada leh timaha caafimaadkooda iyo quruxdooda kor u qaadaan, haddana waxa jira in qofka qaata cunto dheellitiran oo nafaqo u keeni kara timaha uu noqdo mid timo ahaan qurux badan, gaar ahaan cuntooyinka ay ku badan yihiin macdanaha ka mid yihiin Iron, Calcium, Potassium, Selenium, Magnesium in ay door muhiim ah ka qataan koritaanka timaha, halka haddii booratiinka qofku ku yaraadana timihiisu noqdaan qaar diciif ah oo daata aakhirka.

healthy-food

Cuntooyinka Faytamiin C ku badan yahay:

Faytamiin C waxa ku lammaan booratiinka la yidhaa Collegen, kaasoo daldaloolada timuhu ka soo baxaan ka caawiya in timuhu si fiican u koraan, dhuumaha dhiigguna timaha si fiican dhiiga u soo gaadhsiiyaan. Khudaarta ay ka mid tahay liin-macaanka, liin-dhanaanta, tufaaxa, midhaha strawberries waxa ilaha ugu fiican ee laga helo faytamiin C. khudaarta cagaaran waxa laftooda aad ugu badan Faytamiin C iyo Iron, dhammaan haddii qofku waxyaabahaas quudashadooda caadaysto waxa u kora timaha, caafimaad ahaana timihiisu waxay noqdaan qaar aad u wanaagsan.

 

Cuntada Calcium amma macdantu ku badan tahay:

Macdanta ay ka mid tahay Calcium waxa mid ka mid ah waxyaabaha nafaqada siiya timaha.  Waxa loo baahan yahay in qofku Calcium ku filan qooto, gaar ahaan caanaha uu si fiican u cabbo, maadaama ay yihiin ilaha ugu wanaagsan ee macdantan laga helo. Canabka qudhiisa waxa ku badan macdanta noocan ah, sababtoo ah haddii qofku doonayo in timihiisu ifaan, noqdaana qaar xooggan waa inaannu illaabin macdantaas.