Ammaanka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti oo si aan hore loo arag loo adkeeyey

Hargeysa-(Jam/Berberanews)-Ammaanka xadka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Jabuuti, ayaa loo adkeeyey si xooggan oo aan hore loo arag, kadib markii la caddeeyey in laba qof oo weerar argagixiso ka fuliyey magaalada Jabuuti ay ka tageen dhinaca caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo1

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Md. Cali Jaamac Faarax (Buureed) iyo Badhasaabka Gobolka Salal Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa si kala gooni ah saxaafadda ugu xaqiijiyey in labada qof ee qarax ka fuliyey hudheel ku yaal magaalada Jabuuti 24 May 2014 aanay ahayn muwaadiniin u dhashay Somaliland, balse ay ahaayeen dad safar ku maray Hargeysa, dhinaca Somaliland-na uga gudbay Jabuuti.

 

Md. Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Jabuuti, isagoo siday qoraal tacsi ah oo uu madaxweynaha Somaliland u diray Jabuuti, waxa uu sheegay in labada qof ee hudheelka qarxiyey ahaayeen qaar ka yimi dhinaca magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, isagoo xusay in madaxweyne Siilaanyo amar buuxa ku siiyey hay’adaha ammaanka Somaliland inay baadhitaannada loogu jiro sidda qaraxyadaasi u dhaceen ay gacan buuxa ka siiyey dawladda Jabuuti iyo hay’adaha sirdoonka caalamiga ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa aan jecelahay in aan sheego in dadka qarxiyey hudheelka Jabuuti ku yaal ee na sii dhexmaray aanay ahayn muwaadiniin u dhashay Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo waraysi siiyey telefishanka Bulsho TV, isagoo tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo amar ku bixiyey in hay’adaha kala duwan ee ammaanku sameeyaan baadhitaanno qoto-dheer oo lagu ogaanayo sababta keentay in dad argagixiso ahi Hargeysa uga gudbaan dhinaca Jabuuti.

Waxa kaloo wasiirka Kalluumaysigu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ku amray hay’adaha ammaanka Somaliland inay baadhitaanka falkan iskaashi buuxa kala yeeshaan dhigooda dalka Jabuuti iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca ammaanka.

Dhinaca kale, Badhasaabka Gobolka Salal Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa sheegay in si xooggan loo adkeeyey xadka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti, isla markaanna dad la hubiyey aqoonsigooda, diwaangelinna lagu sameeyey u kala gudbi karaan labada dal, arrintaasoo uu xusay inay qayb ka tahay ilaalinta iyo adkaynta ammaanka, kadib qaraxyadii ka dhacay magaalada Jabuuti bishii hore.

“Hay’adaha ammaanka gobolku shir degdeg ah ayey arrintaa ka yeesheen, waxaanna la badiyay goobaha kaantaroolada ah ee lagu baadhayo gaadiidka ka yimaadda gobolada dalka Somaliland oo dhan ee u socda Jabuuti, marka ay soo gaadhaan Gobolka Salal waxa ay isugu yimaadaan waddada tuullada Caasho-caddo, halkaas istaagayaan oo lagu baadhayaa, isla markaanna wixii sharci sita ee la garanayo way gudbayaan (dhinaca Jabuuti), iyadoo la diwaangeliye. Waxa haddana mar labaad gaadiidka iyo rakaabkaba lagu baadhayaa, laguna hubinayaa kaantaroolka Bariisle. Kaantaroolka saddexaad waxa uu noqonayaa Lawyacaddo, kaantarooladaas oo dhana waxa jooga rag khuburo ah oo arrimaha baadhista ku takhasusay, waxaanna sidaa loo yeelayaana waa in la adkeeyo ammaanka,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Salal.

Gaadiidka u kala goosha Somaliland iyo Jabuuti

Waxa kale oo uu sheegay in dadka weerarka ka fuliyey Jabuuti aanay ahayn muwaadiniin reer Somaliland, balse ay ahaayeen argagixiso, waxaannu yidhi; “Ddadka qaraxa ka fuliyay dalka Jabuuti waxay ahaayeen kooxo argagixiso oo Al-shabaab ayaaba sheegatay, markaa taasi waxay caddaynaysaa in aanay ahayn reer Somaliland ahayn, laakiin waxa la yidhi waxay ka gudbeen xadka Somaliland iyo Jabuuti ay wadaagaan, taasoo ay Jabuuti sheegtay in ay u xidhan yihiin saraakiil ka tirsan booliskooda u joogga xuduudda oo is-qarxiyeyaasha u suuragaliyay inay gudbaan, qaraxyadana ay ka fuliyaan caasimadda dalka Jabuuti, taasi waxay caddaynaysaa in dhanka xadka Jabuuti lagala shaqeeyay oo laga caawiyay, laakiin hadday dhacday in xadka Somaliland ay ka gudbaan, iyagoo gacan ka helayay qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee dalka Jabuuti,  taasi waxay dhalisay in dalalka Somaliland iyo Jabuuti-ba ay xoojiyaan, korna u qaadaan la socodka dadka isaga gdbaya labada dal si loo hubiyo sharciyadda ay ugu kala gudbayaan labada dal, iyadoo laga hor tagayo inay dhacdo in kooxo argagixiso dhanka Jabuuti hadday tahay iyo hadday Somaliland noqotoba in aanay uga kala gudbin.”

Labada qof ee qaraxa ka fuliyey dalka Jabuuti bishii hore, lana kala odhan jiray Muuse Rooble Hirad iyo Hodan Maxamed Ciise, waxay ka tallaabeen xadka Lawyacaddo, iyagoo taageero ka helay saraakiil ciidanka ammaanka Jabuuti ka tirsan, kuwaasoo markii dambe isku dhex qarxiyey hudheel dad Faransiis ahi leeyihiin oo la yidhaah La Chaumere hotel, halkaasoo ay ka gaysteen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.