SAYNISYAHANNO KAADIDA LO’DA KA SAMEEYEY BIYO SI CAADI AH LOO CABI KARO

Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa daaha ka qaaday hab cusub oo kaadida lo’da biyo caadi ah loogu beddeli karo, lagana faa’iidaysan karo waqtiyada abaaruhu haleeleel dadka, biyo la’aantuna dhacdo.

Khubaradan ka socotay Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka, waxay ku doodeen inay heleen hab kaadida lo’da loogu beddeli karo biyo nadiif ah, nafaqada ku jirtana lagala bixi karo si dhir loogu beero meelaha abaaruhu ku habsadeen.

Khubaradan oo tijaabadooda ugu horraysay ku guulaystay, kuna soo saaray biyo nadiif ah oo ay ka miireen kaaddida xayawaankan, ayaa sheegay in arrintani noqon karto faa’iido kale oo lo’du u leedahay bani’aadamka.

lo'ds

Habkan oo ay ugu magac-dareen MCLanahan Nutrient Separation System waxay qaadatay in ay kala miiraan kaadida iyo qashinka ku jira, kana soo saran tamar, aakhirkana ay kala shaandheeyaan dareeraha soo baxa, hawadana u dhigaan, kadibna ka soo miiraan biyaha caadiga ah, waxaanay noqotay natiijada ka soo baxday biyo nadiif ah oo xooluhu cabi karaan, degaankana wax lagaga soo saari karo.

 

“Haddii aad leedahay 1,000 neef oo lo’ ah waxay soo saari karaan 10 milyan oo galaan oo kaadi ah, kuwaasoo biyo nadiif ah oo intaas leeg loo beddeli karo,” ayuu yidhi Steve Safferman oo ah ku-xigeenka Jaamacadda Michigan qaybteeda beeraha iyo xoolaha.

Khubaradan waxay tilmaameen in 90% kaadida xoolaha ay biyo tahay, kuna jiraan xaddi badan oo nafaqo ah, Carbon iyo wasakh kale oo degaanka saamayn ku yeelan kara haddii aan si fiican loo maarayn.

Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in habkoodan cusub faa’iidooyin badan u yeelan karo beeraha, lagana soo saari karo wax soo saar midho dhal ah waqtiyada abaaraha.