Ciiddamadda Qaranka Somaliland Oo Deegaanka Saax-dheer Ku Weeraray Cali Khaiilf Galaydh

Hargeysa (Berbera news) Wararka laga helayo Deegaanka Saax-dheer  oo ku taaala Koonfurta Magaaladda Laascanoodd ayaa sheegay in Ciidamadda qaranka Somaliland ay ka hor-tageen isku day dagaal oo ay ku hawlanaayeen Malaashiyaad taabacsan Siyaasiga  Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah hor-joogayaasha Kooxdda Nabad-diidka ah ee Khaatumo.
 
 
Wararka ayaa intaas ku daraya n is-rasaasayn xoogani ku dhex martay Ciiddamadda qaranka iyo kooxdaasi taabacsan Cali Khaliif meel koonfur kaga beegan Lascaanood, halkaas oo uu Cali khaliif ka wado qaban qaabada ergooyin uu doonayo in uu shirkaTtaleex uu geeyo.
Wax khasaare ah oo uu dagaalka saaka dhacay geystay wali lama soo sheegin, hase yeeshee waxa lagu soo waramayaa in uu wali dagaalku socdo.
 
 kala soco Shabakadda Caalamiga ah ee Berbera news wixii war ah ee ka soo kordha.
 
 
Berbera news/Hargeysa.