“Waxaan Idin Sheegaya In Madaxweyne Siillaanyo  Oo Kalsooni Ka Haysta Umadda Uu U Sharaxan-yahay Doorashadda Dambe” Wasiir Cukuse

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo uu u sharaxan-yahay Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu qaddo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2015-ka.
 
Wasiir Cukuse oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxa kale oo uu sheegay in Shacabka  Somaliland ay kalsooni buuxdda ku qabaan Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana ay uu ku rajo-weyn yahay inay mar kale labaad dib u doortaan.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaan idin sheegaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo wali haya muddu xileedkii loo doortay, sidoo kalena kalsooni ka haysta ummadda Somaliland, inuu u sharaxanyahay doorashada danbe ee dalka ka dhici doonta haddii ALLE  idmo.” Ayuu yidhi Wasiirk Cukuse.
 
 
Wasiir Cukuse waxa uu intaas ku daray  “Sidoo kale waxaad ogtihiin in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isna uu iclaamiyay musharaxnimadiisa, isaga iyo kuwa kale ee laga yaabo inay soo baxaan, xaqbay u leeyihiin sida uu qofkasta oo muwaadin ahi xaqa ugu leeyahay, marka taas waan idin xaqiijinayaa”.
 
 
Todobaadkan ayaa Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu isna si rasmi ah u shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan Madaxtinimadda Dalka, waxaanay arrintani dib dhalin kartaa loolan ka dhex bilaabma Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Waji Siyaasadeed oo waayo kala duwan xambaarsan isla  soo-maray.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.