Madaxdhaqameedyo Ka Soo Jeedda Muqdisho Oo Hargeysa U Yimid Midnimo Somaliweyn Oo La Mid Ah Tii 1960-kii.

Hargeysa (Berbera news) In ka baddan 45-odey dhaqammeed oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo ka yimid Magaalada Muqdisho ayaa Shalay  ka Soo Degay Madaarka Cigaal ee Hargeysa.
 
Si dhab ah looma garanayo sababta ay madax-dhaqameedkani Magaaladda Hargeysa u yimaadeen iyada oo la og-yahay halka ay kala taagan yihiin Labbada shacab iyo labbada Xukumadood ee ka kala taliya Somaliya iyo Somaliland oo midina doonayso Gooni-isutaag midna ay doonayso midnimo somaliweyn.
 
Xogo kale uu helay waaheen oo aanu warkan ka soo xiganayayaa  ah Sheegay in Odeydhaqamedayadani u socdaan sidii shacabka Iyo Xukumada Somaliland ugu  muujinalayeen in dawladnimadii Somaliyeed ay shacabka Somaliland ku soo wareejiyaan siddii wakhtigii 1960 markii ay midoobeen labbadii dal ee ay kala Gumaysanyeen Ingiriis iyo Talyaani, in maantan shacabka Somaliya ay u diyaar yihiin in dib  ugu soo wareejiyaan Dawladnimadaasi oo Caasimada Hargeysa laga aasaaso dawlad somaliweyn.
 
Sababta Xiligan arrintan keentay ayaa lagu sheegay in Dawlada Somaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud ay soo food saartay Culeys Dublamaasiyadeed oo kaga yimid waddamada reer Galbeedka kuwaasi oo ku eedeyey madaxweynaha somaliya in uu dawladiisi ka Buuxiyey Kooxda Damujadiid oo dawladaha reer galbeedku ka muujiyeen cabsi weyn, kuwaasi oo ka dalbaday in uu baneeyo kursiga madaxtinimada basle waxa la sheegay in uu ka diiday soo jeeedimo badan oo waddamadaasi ka soo gaadhay, waxa wararku intaasi ku darayan in shirkii ugu danbeyey ee dalka jabuuti ay ku wada yeeshen madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Djabuuti ismaaciil Cumar Gelle uu Madaxweynaha DjAbuuti uu Xassan sheikh maxamuud u gudbiyey warqad ay soo qoreen Waddamada reer galbeedku oo ay ku codsanayaan in uu iscasilo balse arrintaasi madaxweyne Xassan uu ku gacansaydhay.
 
Taasi Badalkeeda ayaa la sheegaya in waddamada reer galbeedku ay soo dhex mareen Barlamaanka Somaliya oo Durba xildhibaano ka baddan 100 ay codsadeen in uu  is casilo madaxweyne Xassan, illaa haadda may sal dhigin Lagdanka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxweynaha Somaliya iyo Waddamada reer Galbeedka ee dirawaliya siyaasada somaliya.
 
Wararku waxay intaasi ku darayaan in markii uu Madaxweynaha Somaliya uu arkay in kursigiisii uu qirinqiir ku jiro kana baqay in laga tuuro oo madaxweyne Cusub oo ka soo jeeda beelaha Daarood laga dhigo oo la sheegay in uu yahay nin reer galbeedku wataan waxbarashadiisna ku soo qaatay Waddanka Marykan ayaa madaxweyne Xassan Sheekh sameyey Fikrad uu doonayo in uu waji cusub u sameeyo Siyaasada Somaliya isaga oo doonaya in uu  Bulshada Caalamka u soo bandhigo in uu waddo Midnimo Siyaasadeed oo dib ay iskugu noqonayaan Labadii Gobol ee Waqooyi iyo koonfur, dhinaca kale odayaasha hawiye ee waftiga ah ayaa la sheegay in ay diidan yihiin madaxweynaha Cusub ee somaliya ee soo socda oo hore aynu u sheegnay in la filayo in Beesha Darood ka soo Baxo si arrintaasi ay uga hortaan ay Somaliland ugu  ku qanciyaan in ay ka faa’iideystan fursadaasi oo ay qaatan Madaxweynaha Somaliya.
 
 
 
Madax-dhaqameedkan oo duhurkii shalay ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa ayaan loo ogolayn in ay warbaahinta is arkaan, waxaana taasi ganafka ku dhuftay Maamulka Wasaaradda Duulista.
 
 
 
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in amar ka yimid dhinaca Wasiirka Wasaaradda Duulistu uu u dhignaa in aanay indho isa saarin madax dhaqameedkan iyo Bahda Warbaahintu.
 
 
 
Ciidamo xoog ah oo ka tirsan RRU-da iyo gaadiidka Gaarka u ah Madaxtooyada ayaa diyaar ku ahaa Garoonka diyaaradaha, kuwaas oo u galbiyay dhinaca Qasriga Madaxtooyada.
 
Waftigan madaxdhaqameedka ah ayaa Waxay Barri la fillayaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labbada Golle Qaran ee Guurtida iyo wakiilada.
 
 
Berbera news/Hargeysa.