Ingiriiska: Islaan Gabowday oo soo Bandhigtay Qoob ka Ciyaar Lala Yaabay

Berberanews-Haweenay waayeel ah oo 79 jir ah, lana yidhaa Paddy Jone, ayaa dhacdo cajiib ah ku soo bandhigtay barnaamijka mawhibooyinka da’yartu muujiyaan ee la yidhaa Britain’s Got Talent, kadib markii ay qoob ka ciyaar, qalaama rogad ku jiro ay madasha ku ciyaartay.

Islaantan gabawday oo la ciyaaraysay nin tartanka kala qaybqadanayey oo u dhashay dalka Spain, kaasoo la yidhaa Nico Espinosa, da’diisuna 40 jir tahay,  waxaanay haweenaydan soo bandhigtay qoob ka ciyaar aad u cajiib ahaa, kaasoo xataa ay mararka qaar hawada isku laba rogaysay.

Haweenayda 79 jirka ee wacdaraha qoob-ka ciyarka dhigtay

“Nico waxa uu ii tuuraa dhinacyada, xagga sare, laakiin ma dareemo in yar oo cabsi ah, taasoo dadka ka yaabisa,” ayey tidhi Paddy oo toddobaadkii hore barnaamijkan ka qaybqaadanaysay, dadka daawadayaasha ahna aad ula yaabeen.

Haweenaydan waayeelka ah oo da’deedu asaasaq ku dhaw yihiin, waxa la amakaagay garsoorayaasha tartanka, kaasoo Mr. Simon Cowell oo garsoorayaasha ka mid ahaa markii hore jaliska diidmada ku tumay, balse aakhrikii raalligelin ka bixiye, waxayna islaatani u baxday tartanka kama dambaysta ee dhici doona sannadka soo socda, isla markaana waxa aad uga helay dhammaan dadkii daawadayasha ah, iyadoo waayeel badan tilmaameen in ay ku dayasho mudan tahay.


“Waan garanayaa inta ii xadidan, balse Nico waxa uu iga doonaa inaan dhaqdhaqaaqyo cusub la yimaado, waanan ku guulaysta inaan hab cusub u ciyaaro, hawada ku ciyaaro, hoosna ku ciyaaro, mararka qaar ee aanu wax cusub isku dayno, dhiba soo gaadha, balse waligii imuu tuurin, aadna waan u aaminay,” ayey t idhi Paddy.

Haweenaydan waxay qoob ka ciyaarta bilawday markay laba jir ahayd, balse waxay joojisay ciyaartaas markay guursatay saygeeda, waxaanay ahaan jirtay kalkaaliso ka shaqasaysa cusbitaal dhinaca ilkaha qaabilsan, ganacsiyo bana waxay kula lahayd saygeeda dalka Spain, balse aakhirkii 10 sanno kadib waxay ku soo noqotay qoobka ciyaarkan.