Xiddigaha GEES-ku Waa Koox aan sacab lagu qarin karin, xukuumadda Siilaanayo-na kamay helin milgahay ka mudnaayeen

Somalidu waa dad leh xigmad durrugsan iyo murti-Suugaaneed shilis taasi oo  Gabaydu laf-dhabar u  yihiin,Sida laga warqabo wakhti ku siman bilawgii Qarnigii 19aad  ayay ahayd markii sida xoogan gabayadu uga hanaqaadeen guud ahaan dhulka Somalidu Dagto,
Waxaanay Gabayadu Door Shariifa Ka Soo Qaateen kobcinta afka Somaliga, waana Muraayad Laga Daawan Karo Qaninimada Afkeena Hooyo leeyahay, Silsiladihii Gabayada ee kala Duwanaa  ee Raga Suugaanta Ku Abtirsadaa Isku Marin Jireen Waxay Ahaayeen Kuwo ka Qayb Qaata Kicinta Colaadaha iyo DaMinta Colaadaha Labadaba
Waxaana La Xusaa in Marxalada Ay soo Mareen Gabaydu Ay Meel cad kaga Suntanyihiin Taariikhda somalida.

Iyadoo ay gabaydu yuhiin Rukunka ugu Mihiimsan Suugaanteena Hodanka ah hadana waxa bilawgii sanadkii 1940 meeyadii Bilaabmay Heelooyinkii kuwaasi oo kor u sii Qaaday Farshaxanka afka somaliga

Bilawgii Heellooyimka

Bilawgii heelooyinka waxa daah furay Cabdi Sinimoo waxayna ku beegnayd  dabayaqaqadii afartanaadkii ilaa bilowgii kontonaadkii waana xilligii ay soo caan baxday heesaha Qaraamiga loo yaqaan oo ilaa xilligan leh shacbiyad balaadhan oo ay dad badani ku raaxaystaan,,

 

Markii Fanka Casriga ahi Bilaabmay, Kana Bilaabmay Wagooyiga somlia Dhulkii La Odhan Jiray Haatana Ah SOMALILAND, Ayaa Waxa La Helay Dhalinyaro Ku Dhiirata Ku Biirida Fanka kuwaasi Oo Noqday Tiirasha Fanka somalida Ku xusan Magac Ahaan iyo Masrax Ahaanba, Waxaana ka Mid Ah Dadka Fanka Heerkan Soo Gaadhsiiyay Barkhad Cas, Cabdilaahi Qarshe, xuseen Aw Faarax, Saxardiid Maxamed Jabiye, Cali Sugule, Cumar Dhuule Maxamed Saleebaan Iyo qaar Kale oo badan

Waa maxay ”Qaraami”?

Heesaha maanta loo wada yaqaan ”QARAAMI ” run ahaantii haddii aynu eegno Habdhaca murtida loo Adeegsaday waxaynu arkaynaa in ay lahaayeen Noocyo kala Duwan ayse sidii aynu xusnay ugu badan tahay Ta DHAANTADU. Qaraam waa Erey Carabi Ah oo Macnihiisu Yahay jacayl. Magacaas marka Xarafka i Gadaal laga raaciyo wuxuu Noqonayaa wax jacayl ku Abtirsada. Markaas heesaha Qaraamiga Ah waxaa laga wadaa ”Tilaam ah jacayl ”. Taas Waxaa keenay iyada oo ay Dadka Magaalooyinku Waagaas Dhaqanwadaag la lahaayeen Gaar ahaan Yaman iyo Suudaan

Bilawgii Kontonaadkii *1950Kii* ayaa laga Aas Aasay Magaalada Hargaysa kooxo kala duwan oo Dabka U Siraaday Fanka Somalida Islamar ahaantaana  Iskugu Jiray Abwaana, Fanaaniin, Jilayaal Kooxaha Fanka Somalida u ahaa Hiilka Oo Ay Ka mid ahaa kooxdii kabacada iyo walaalaha hargaysa iyo kooxdii radio hargaysa ayaan Taariikhdu hilmaami Doonin

1969 markii u Dalka Ka Dhacay Inqilaabkii u Dalka ku Qabsaday Maxamed Siyaad Bare Fanka Iyo Suugaantu Waxay Ayaaheen Hubka Kaliya ee Maxamed Siyaad Bare ku Hawlgalay Waxaana Maamulkii Siyaad Kaalin Wax Ku oola ka soo Qaatay fankii wakhtiyadaa, Waxa Soo Baxay Erayga Guul Wadeen oo Heeso Badan oo siyaad bare lagu Amaanayo ka dhex Muuqday

1969 ilaa 1991 Fanaka Somalidu Waxuu  Ahaa Mid Si Xawli Ah ku socday, iyadoo ay Wakhtiyadaa soo Bexeen ugu yaraan 100 Ruwaayadood oo  Masraxa Soomalida si Wayn uga Caanbaxay
Heesihii hirgalay ee fanaaniinta somalida loo Qaban jiray Iyagana  waxa ka soo baxay Heeso dhaxal gal ah oon Waligood duugoobin Ilaa Maantana Si Waafiya Loo Dhagaysto,

Wixii ka Danbeeyay 1991 ilaa 2010 Fanka Fomalidu wuxuu Ahaa Fadhiid Waxaana Jiray Heeso Qurbaha laga soo qaadi jiray oo copy ahaa kuwaasi oo dib u dhac Balaadhan fanka ku keenay, Mana jirin kooxo la tilmaami karo oo Dhisnaa Wixii ka danbeeyay Burburkii Somalia, Marka Laga tago Kooxdii Durdur oo Dhawr Sano Ka Dhisnayd ethopia Islamarkaana Aan fanka somalida kaga tagin Raad balaadhan Marka laga Tago Music Casri ah oo kooxdaasi ay fanka somalida ku soo Kordhisay

Hadaba Dulucda iyo Ujeedada Ugu Mihiimsan ee igu kaliftay Maqaalkaygan oo Salka ku Haysa  kooxda kaliya ee Wakhtigan ka Dhisan Magaalada Hargaysa Ee loo Yaqaan XIDIGAHA GEESKA ayaa ah koox si Wayn uga Muuqata fanaka Somalida Wakhtigan,
Goor Fiida Ayaan Boqosha ku Tagay Guri Ay Kooxdaasi ku Leedahay Magaalada Hargaysa. Markaan Qadar Cabaara Fadhiayay Islamarkaana uu i Weheliyo Nin Aan Saaxiibo Nahay oo kooxda La Lex Xidhiidh Dhaw.

Judhiiba Waxa i soo Jiiday sida Xushmada Leh Ee Midba Mida Kale uu U karaamaynayo, Dhagahayga Waxa Ku soo Dhacay Erayo Ay Ka Mid Yihiin Maxaa inoo Qorshaysan Todobaadkan, Fanaan Ka mida fanaaniinta ugu Caansan Kooxda XIDDIGAHA GEESKA  ayaa Yidhi Horta bal Gudoomiyihiina ha inoo Yimaadee suga,
Waxaan Bilaabay Inaan la Sheekaysto Mid ka mida Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Garabkayga soo xigay,
Waxaan Waydiiyay Gurigan Ma Kooxda leh Anoo sii Raaciyay ma Jiraan Haayado idin Caawiyad?
Wuxu si Dhiiran   igu yidhi DAWLAD iyo HAAYADO na caawiyaa ma jiraan,  Anagaa Wax Kasta Dabarna Wuxuuna intaa iigu Daray Hadal Aad I soo Jiitay oo ah * Dhaqaale Cidi Nagu Taageerto Waxa Laga Yaaba Hadaan Raadino Inaan Helno Laakiin  waxa Nooga Mihiimsan Nn aan Ahaano Dad Isku Mawqif ah oo Isku fikir ah Taasina maansha allah waa Hantida Kaliya ee kooxdu leedahay waana dad Leh Ujeedo Fof iyo Himilo Duruqsan,

Jawaabtaasi oo Aad  i Qancisay, Ayaan Hadana Mar Labaad Waydiiyay Fanaankii  ma leedihiin wax xeera? haa oo haa yuu igu jawaabay, Hadalkiisiina Isagoo sii Wata wuxu yidhi Horta Kooxdu Afartan qof ee Caanka ah uun Maaha Ee waa 33 qof oo Iskugu Jira Abwaano Fanaaniin, Jilayaal Musictions, Camaro mano, iyo Wariyayaal Dhamaantoodna waa Xubno isku Xuquuqa oo leh cod ay wax ku dooran karaan, waxaana dhacday in shirwaynihii Koowaad ee Kooxda si Xora aan  Kooxdu ugu Dooratay Sadex Xubnoomd oo kala ah

Gudoomiye
G/Xigeen
Xog haye

Waxaan Leenahay Xeer Hoosaad Qoran oo Xubnaha Kooxdu Ansixiyeen.

Markuu Intaa igu yidhi Ayaan ku idhi Qodobada xeerkiina ku jira Maxaa ka mida? markiiba wuxuu igu yidhi Balwadaha Maandooriyayaashu Kow  Ayay ka yihiin sida Khamrada oo kale Qof kooxda ka mid ahi ma Isticmaali karo haduu Isticmaalana Wuxuu si Bilaa Shuruuda u Waayayaa kasii mid Ahaanshaha Kooxda
Jawaabtaasi aad ayay i qancisay,

Kooxda XIDDIGAHA GEESKU  waa Koox u Badan Dhalinyaro Islamarkaana leh Nidaam cad oo kala danbayntu u udub dhexaad
Kooxdani waxay muda 3 Sano ah ay ka Dhisantahay magaalada HARGAYSA Waxaanay ku Guulaysteen inay Hantiyaan Dhamaan Dhagaha Umada afka somalida ku hadasha, marka aad eegto shacbiyada Kooxdu waa mid aad u saraysa marka laga qiyaas qaato TV yada afka somaliga ku Hadla, mareegaha internetka iyo Suuqyada kala duwan,

Hadaba Maalmahan waxa Taagan Dareen Xoogan oo ka dhex Aloosan kooxda iyo Xukuumada somaliland, inkastoo Aanan Ogayn Inuu Jiro khilaaf Aan si cad u Tilmaami karaa,  Hadna Waxaan Ogahay In La xidhay Dhawaan Gudoomiyaha Xidigaha Geeska, Laga Yaabaa In Xaq Loogu Lahaa Xadhigaa laakiin Ilaa Hada wax Hadala Kama maqal Gudoomiyaha iyo kooxda inteeda kale,

Marka Si Cilmiyaysana Loo Darso Fanka xidigaha Geeska iyo Xiligan Waxa la odhan karaa KOOXDA XIDDIGAHA GEESKU waa awood aan La Dhayalsan Karin, Nin aanu Saaxiibo Nahay ayaanu Kaftanay anagoo Ka Hadlayna Markaasu Intuu Qoslay Igu Yidhi Haduu Siilaanyo Dalka Xukumo Dhagaha Dadkay Xukumaan ee Xukuumadu inay ka fiirsato Habka ay kooxda Xidigaha Geeska Ula Dhaqmayso Ayaa Haboon, taasi been maaha.kooxda Xidigaha Geesku waxay Qaadeen, Heeso Wadaniya, Qaar Tahriibka Ka Hadlaya, Qaar Waxsoosaarka beera ka hadlaya, Ciyaaraha qaar ka hadlaya Qasiidooyin,

Galabtana waxaan Daawanaayay in Laba ka mid ah fanaaniinta Jilayaasha somaliland oo waliba hayb ahaana madaxwaynaha ay isku Reer Yihiin Yurub La gaynaayay si ay Gudida Qaadhaan ururinta u taageeraan islamarkiiba waxaan dareemay in hadii fan cid LAGU kaxaynaayo cida ugu Habooni ahaayeen XIDDIGAHA GEESKA, iyagaaba wadada Ceergaabo u Qaaday hees Dhaxan gal ah muuqaal qurxoona u sameeyay

Bulshooy Hagar Lii Waddada Hirgashoo
Dalkiina u Hura,  Waxaad Haysaan

Suxufi Madax Banaan
Maxamed Nuur Fidhin