Laacib u Ciyaari Jiray Naadiyada Arsenal oo ka Mid Noqday Dagaalyahannada Mucaaradka Suuriya

Mr. Abu Isa Al Andalus oo hore uga tirsanaa kooxda kubbadda cagta Arsenal ee dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu ku biiray dagaalyahannada mucaaradka ah ee dagaalka qadhaadh kula jira dawladda waddanka Suuriya.

Mr. Andalus oo telefishannada laga baahiyey isagoo aad ugu dhaleecaynaya waddamada reer galbeedka iyo dadka aan islaamka ahayn, isla markaana muslimiinta dalalkaas ku nool ugu baaqaya in ay ka qaybgalaan dagaalka ka socda Suuriya, lana dagaallamaan kooxaha xag-jirka ah, ayaa la ogaaday inuu saaxiib dhow la yahay ciyaaryahanno caan ah.

ciyaaryahan argagixiso noqday

Ninkan oo wejiga duuban sida ka muuqata muuqaallada laga baahiyey oo sita qori noociisu yahay AK47, ayaa la caddeeyey inuu yahay laacibkii kooxda Arsenal ee Abu Isa Al-Andalus.

Sida lagu faafiyey mareegta Fisyria.com, waxa saxaafadda laga baahiyey muuqaallo ku saabsan ninkan oo dalka London u tegay inuu u ciyaaro kooxda Arsenal, kaasoo aakhirkii noqday ciyaryahan caan ah, balse waxa la sheegay inuu xag-jir noqday laba sanno ka hor, kuna biiray dagaalyahannada ka dagaallama waddamada Ciraaq iyo Suuriya ee la yidhaa ISIS.

Ninkan oo ku hadlayey Ingiriisi aad u fiican, ayaa sheegay inuu aad uga daalay xumaanta waddamada reer galbeedka, kuna boorrinayo dadka la fikirka ah inay dariiqiisa oo kale raacaan, hubkana qaataan.

“Waxaan idiin sheegayaa waxogaa waano ah, waanadayduna waa in aannu u baahannahay caawimo, ugana baahannahay kuwa naga caawin kara dagaalka aannu cadawga kula jirno. Ku soo dhawaada oo nagu soo biira. Waxaannu qabsannay magaalooyin badan, waqtiganna shareecadda diinta islaamka ayaannu fulinaynaa. Waxaannu haysannaa meel dad aan islaam ahay nagaga qaadi jireen cashuurta. Haddii aynnu sii joogno dalalka gaalada waa inaynnu cashuur siinnaa. Miyaad doonaysaa in lagugu bahdilo halkaas? Ka fikir arrintaas, haddaad ubad leedahayna oo aad dalalkaas joogto waxaad ku daraysaa dugsi gaaleed. Carruurta maxaa la barayaa? Ma waxaad doonaysaa in la baro in dad isku jinsi ah isguursadaan amma uu noqdo mid daroogada ka ganacsada?” ayaa ka mid ah hadallada muuqaalka ninkaas laga baahiyey.

Mareegtan muuqaalladan faafisay oo leeyahay dalka Ruushku waxay qoraal ku hoos qortay sawirradaas oo ay ku sheegtay inuu yahay nin u ciyaari jiray kooxda Arsenal ee Ingiriiska ka dhisan, kadibna ka tegay kubbaddii iyo noloshii qaaradda Yurub-ba.

Ninkan weli si ramsi ah looma xaqiijin, ilaa haddana ciidammada ammaanku waxay ku jiraan inay baadhaan asal ahaan halka uu ka soo jeedo.