Fannaaniinta Mursal Muuse iyo Khadra Sinimmoo oo Hoos u dhac weyn soo foodsaaray

Berbera-(Berberanews)-Fannaaniinta lammaanaha ah ee Mursal Muuse Cumar iyo Khadra Cabdi Sinimmoo, waxaa la soo dersitay hoos u dhac weyn iyo niyad-jab ka dib markii laga saaray Kooxda calanka u sida fanka cusub ee Xiddigaha Geeska.

Mursal Muuse oo ahaa fannaan soo kobcayay muddooyinkii u dambeeyay, ayaa ka bad badin iyo qab gashay ka dib waxaa debedda laga dhigay Kooxda Xiddigaha Geeska, markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin ka hor imanaya Xeerka u yaal kooxda, uuna ku gacansayray inuu ka soo qaybgalo shirkii u dambeeyay ee kooxdaasi qabsatay.

Arrintan waxay sidoo kale, saammaysay Khadra Sinimmoo oo ka hari weysay ninkeeda markii laga saaray Kooxda Xiddigaha, iyadoo Xoghayn u ahayd kooxda ayay Iyana raacday ninkeeda.

mursal andqadra

Arrintan niyad-jabka ugu weyn ku riday Mursal iyo Khadra waxaa kow ka ah, inuu hoos u dhac ku yimi sumcaddii ay lahaayeen, markii ay cod u qaadeen koox yar yar oo hadda fankaku soo biirtay inay ka mid  noqdaana dirqi loogu ogolaaday.

Waxa niyad-jab weyn soo foodsaaray taageerayaashii ay lahaayeen labadan fannaan oo ka xumaaday meesha ay is dhigeen Mursal Muuse iyo Khadra Sinimmoo.

 

Kooxda Xiddigaha Geeska, sida magacooda ka muuqatay waxay sida cadceeda uga soo if  baxeen gebi ahaanba geiyiga Soomaalidu degto, oo ay kasbadeen taageero aad u badan.

Maxamed Muuse kaahin

Email, mkaahin@hotmail.com