Japan: Dambiyada Internet-ka oo Keenay in Isticmaalka Moobilka Laga Mamnuuco Carruurta

Qubane-(Berberanews)-Carruurta ku dhaqan magaalo ku taal dalka Japan oo la yidhaa Kariya City, ayaa laga bilaabo bisha April ee soo socota aan loo ogolaanayn in ay isticmalaan moobillada.

Hawlgalkan telefoonnada gacanta lagaga mamnuucay ubadka da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 15 jir waxa uu qayb ka yahay hawlgal lagula dagaallamayo tuugada internet-ka oo dalkaas aad ugu batay.

Japan children

Maamulka magaalada Kariya ayaa laga bilaabo bisha April ee soo socota waxay ka mamnuuceen isticmaalka moobillada carruur tiradoodu gaadhayso 13,000 dugsiyada magaaladaas ku jira, iyadoo la aaminsan yahay in ololahan ka hortagi doono tuugada internet-ka wax ku jabsata amma danbiyada la xidhiidha dhinaca internet-ka, kaasoo iminka aad looga isticmaalo telefoonnada gacanta, sababana in halis ammaan-darro dhici karto.

Ololahan hordhaca ah waxa ka dambeeyey macallimiinta dugsiyada, shaqaalaha bulshada rayidka iyo bilayska, balse ma jiro wax ciqaab ah oo lagu soo rogay waalidiinta haddii ubadkoodu isticmalaan telefoonnada, sida ay sheegtay warbaahinta Japan.

Waalidiinta waxa si toos ah looga codsaday in ay telefoonnnada casriga ah ka qadaan ubadkooda habeenkii marka saacaddu gaadho 9:00pm, isla markaana eegaan mareegaha dhinaca internet-ka ee ay isticmalayaan, arrinkaas oo qayb ka ah olole laga bilaabay 21 dugsi oo Japan ku yaala sida uu daabacay wargeyska The Telegraph.

Afhayeen u hadlay Guddida Tacliinta magaalada Kariya, ayaa sheegay in barnaamijkan loogu talagalay in la hortago in ubadku ku dhacaan dhibaatooyin ku saabsan internet-ka.