Madaxweyne dhaqaale culus ku bixiyey arooska inantiisa oo codsaday in mushaharka loo kordhiyo

Berberanews-Madaxweyne Robert Mugabe oo ka taliya dalka Zimbabwe ee qaaradda Afrika, ayaa dawladdiisa ka codsaday in lacagta mushaharka loo kordhiyo bisha soo socota, kadib markii uu £3 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ku kharash-gareeyey arooska gabadh uu dhalay.

Madaxweyne Mugabe oo Zimbabwe xukumayey ilaa intii xornimada qaatay 1980kii, ayaa mushahar-kordhintan dalbaday, isagoo bishii qaata $230,000, halka dalkiisna dhaqaale xumi baahsan ku sii socdo, waxaannu caddeeyey inuu waaxda shaqaalaha u gudbiyey inay mushaharka u kordhiyaan bisha soo socota ee April.

“Waxaan la hadlay Guddoomiyaha Guddida Shaqaalaha oo aad ay isugu dhaw yihiin Wasiirka Maaliyadda Mr. Patrick Chinamasa, waxaannu ii xaqiijiyey inay ii kordhin doonaan ilayn Madaxweynuhuba waa shaqaalee, bisha April ha I dhaafinina,” ayuu yidhi Mugabe.

Mugabe-Grace-Chikore-Bona

Madaxweynuhu waxa uu ciidammada iyo hay’adaha dawladda ku boorriyey inay si wada jir ah ula debaaldegaan sannad-guurada 90aad ee dhalashadiisa, isagoo musuqmaasuq lagu eedeeyana sheegay in shacabku ka jawaabi doono, waxaannu yidhi; “Haddii wax musuqmaasuq ah jiraan dadka ayaa ka jawaabaya, waanan idiin sheegayaa, waana cudur dalka curyaamiyey oo jira.”

Ibraahin Khadar Siciid