CILMI-BAADHIS: DADKA NAANAYSTA FIICAN LEH OO MADAXTINIMADA IYO SHAQO HELIDA KAGA FIICAN KUWA KALE

Cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Cambridge ee dalka Ingiriiska ayaa iftiimisay in dadka naanaysaha wanaagsan ee macne ahaan ku fadhiya mansabyo sare sida boqor, boqorad, caaqil ay helaan shaqooyin mansabyo sare leh amma inta badan ay noqdaan madax.

 images

 Dadka magacyada qiimaha badan leh waxay inta badan gadhaan meelo aad u sarraysa, gaar ahaan waxay madax u noqdaan meelahay ka hawlgalaan.

Natiijadu waxay timi kadib markii daraasad ay qaaday kulliyada ganacsiga ee Jaamacadda Cambridge, taasoo baadhitaan ku samaysay 223,000 (Laba boqol, saddex iyo labaatan kun) oo shaqaale oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Jarmalka.

Waxaanay ogaatay dadka leh naanaysaha ay ka midka yihiin Kaiser (hoggaamiye boqortooyo), Kving (boqor) ay inta badan ku guulaystaan mansabyo sare oo shaqo, halka dadka leh magacyada ay ka midka yihiin kuug (Koch), beeroole (Bauer) iyo Becker (roodhiile) ay inta badan qabtaan shaqo mansabyo hoose leh.

“Ifafaalahan wuxuu dhacay marka qofka loo bixiyo magaca qiimaha leh, balse dhabtu waxay tahay in magaca qiimaha leh muujin qiimo gaar ah,l” ayuu qoray qoraaga daraasadan.

Diyaariye:C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

berbernews.com