Dumarka Xanaaqa Badan Ee kulkulul Oo Halis Ugu Jira In Uu Ku Dhaco stroke

Berberanews-Ragga cadha badan ayaa waxay halis u yihiin in uu ku dhaco xanuunka la yidhaado “stroke” dhiig furanka maskaxda. Dhinaca kale dumarka xanaaqa badan ee kulkulul ayaa wax ku dhaca cimri deg deg. Arintana waxa lagu soo bandhigay cilmi baadhid ku saabsan xanuunka “Stroke”

Istaroogu waa marka dhigga maskaxda ku socda uu ka xidhmo. Arrintani waxay dhacdaa marka xinjiro dhiig ahi xidhaan xididada dhiigu maro ama marka ay qarxaan xididada dhiiga ee maskaxdu.

stroke
 
Marka xididada dhiiga ee qaada hawada ogsijiinka (oxygen) iyo nafaqada ay gaadh siinwaayaan maskaxda, iyada oo ay gufeeyeen xinjiro dhiig ahi, ayaa waxaa dhinta unugyada maskaxda. Daqiiqado gudahood ka dibna waxa dhaca Istaroog. Sidaas darteed ay muhiim u tahay in si deg deg loo daweeyo qofka. Daaweyn la’aan, waxaa sii socda dhimashaa unugyada maskaxda.
Daraasadan cilmi baadhida ahi waxa kale oo ay sheegtay in ragga cadhada badani 10% in ka badan ay khatar ku jiraan marka la barbardhigu ragga aan cadhada badnayn in uu ku dhaco waxa la yidhaahda Ateriyaal Fibrilayshan afka qalaadna lagu yidhaahdo (Atrial fibrilation) oo ah wadanaha oo isku dhex yaaca, waxayna kordhisaa khatarta Istarooga.
Ragga dab shidka ah ee colaada huriya ee isla markaana xaqira dadka kale 30% waxaa laga yaaba in uu ku dhaco Ateriyal Fibrilayshan marka loo eego ragga deggen ee nabada jecel.
 
Sababta ragga cadhada badani ay halis ugu yihiin Ateeriyal Fibrilayshan ayaa waxay tahay, in qaybaha sare ee wadnaha oo aan sidii la rabay uu saarin dhiigga , taas darteed ayaa wadnaha waxaa ka buuxsamaa dhiig, kaas oo sababi kara in ay samaysmaan xinjiro gufeeya xididadii dhiigu maraayey, ka dibna keena Istaroog.
Ragga waxa ku jira kuwo ka xanaaqa wax aan macno lahayn ama sabab la’aan u xanaaqa. Waxa kale oo waliba ku jira ragga kuwa ka xanaaqa wax aanay waxba ka qaban karin. Waxa kale oo waliba ku sii jira kuwa aan ogayn waxa ay samaynayaan marka ay xanaaqaan.
Hadaba waxba kuma jabna in qofka uu xanaaqo, laakiin waxa xun marka qofka aanu ogayn waxaa uu samaynaayo. Qofka waa in uu ka fikiraa khasaaraha iyo faa´iidada ka iman kara xanaaqiisa. Waxaa la yidhi “Ka fiirso inta aadan falin”
Waxa jira buugaag la akhristo oo sheegaya sida loo yareeyo cadhada. Waxaa kale oo la helaa khubarro ku takhasusay habka loo maamulo cadhada (anger management).
Anigu waxaan qabaa shakhsiyan in qofku marka uu cadhoodo uu xaga diinta u kaco oo quraanka kariimka ah akhristo.
 
Source: British Medical Journal.
 
Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com