Daraasad muujinaysa faa’idada isticmaalka Baskiilka uu u leeyahay caafimaadka

Daraasad cusub oo la sameeyay, ayaa shaaca ka qaaday faa’ido dhanka caafimaadka ah in uu leehayay isticmaalka Baaskiilka.
Daraasaddan oo lagu daabacay bagga inta badan daabaca daraasadaha dhanka caafimaadka kuna soo baxa afka Carabiga ee Al-Carab.net, waxaa (daraasaddan isbarbar ay dhig ku sameyneysaa) isticmaalka Baaskiilka iyo gaadiidka kale sida Gaadhiga ama Mootada – xilliga shaqada la tagayo ama laga soo noqonaya .
images
Seynisyahanada soo saaray daraasaddan, waxaa ay ay cadeeyeen Baaskiilka in uu u wanaagsan yahay caafimaadka jidhka Bini’aadamka gaar ahaan qeybaha kala goysyada iyo ka shaqeystiinta xubnaha jidhka.
 
Waxaa cilmi-baadhis ku saabsan macluumaadka ay xambaarsan tahay daraasaddan lagu sameeyay ilaa 20,000 qof oo shaqaale ah oo u lugeeya shaqada, waxaana daraasadda ay muujisay 40% (boqolkiiba afartan) dadkaasi kumamaanka ah caafimaadkoodu uu yahay sidii loogu talagalay, halka 17% (todobo iyo toban boqolkiiba) cadaadiska dhiiga uu waad wanaagsan yahay. Faa’idooyinka ay qabaan (dadka shaqada u lugeeya) waxaa u sii dheer in ay ka badbaadaan cudurka sokorta.
 
14,000 qof oo kale ayaa waxaa iyagana lagu sameeyay cilmi-baadhis, kuwaa oo shaqada ku taga gaadhi kagana soo noqda. waxaana natiijada ay noqotay:
 
156 qof oo keliya oo ka mid ah dadkaasi (afar iyo tobanka kun ah) ayaa ka badbaaday oo dhibaato caafimaad xumo aan sheegin, halka inta kale ee tirada ay sheegteen dhibaatooyina caafimaad darro ah.
 
Daraasaddan ayaa ku dhiiri galinaysa dadka in ay isticmaalaan Baaskiilka xilliga shaqada ay tagayaan ama dib uga soonoqonayaan  bedelkii ay adeegsan lahaayeen gaadiidka noocyadiisa kale, iyadoo mida aadka loo ammaanay ay tahay dadka in ay lugeeyaan.
 
Diyaariye:C/qaadir Askar
Askars4@hotmail.com
Berberanews.com