Maxkamadda Qadar oo Xukun Dheer ku Riday Abwaan u Gabyey Qoyska Boqortooyad

Berberanews-Maxkamadda Sare ee dalka Qadar ayaa shalay xukun 15 sanno ah ku riday gabyaa lagu helay inuu curiyey suuggaan lagaga soo horjeedo qoyska boqortooyada ee maamula wadanka Qadar oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, sida uu xusay qareenka abwaankan.

“Maxkamadda Sare waxay 15 sanno ku xukuntay Maxamed Al Ajami,” ayaa lagu yidhi xukunka gabyaagan lagu riday.


Qareenka ninkan u doodaayey oo la yidhaa Nejib Al Naimi wuxuu sheegay in maxkamadda xukunkan riday ay ku daba lahayd arrin siyaasadeed oo aanay ku shaqaynayn garsoor caddaaladeed.

Gabyaagan qareennada u doodaya waxay rafcaan u qaateen Amirka ka taliya Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thani, iyagoo sheegay in cafis ay ka rajaynayaan amiirka.

Gabyaagan oo la yidhaa Ajami waxa hore loo xukumay bishii November sannadkii 2011 oo uu daabacay gabay uu leeyahay oo la yidhaa Jasmine oo uu ku dhaleecaynaayey maamulka waddamada gacanka carbeed, kuna dhiirigelinaayey in kacdoon shacab la qaado.

“Waxaan rajaynaya in isbeddelku dalka ku iman doono, meeshana uu ka bixi doono hoggaamiyayaasha juhalada ah ee aaminsan in guusho hoos taal ciidammada Maraykanka,” ayaa ka mid ahaa erayada abwaankan lagu haystay.

Ibraahin Khadar Siciid

Berberanews.com