Hargeysa: Wasiirka Warfaafinta oo Casuumay Fannaaniinta Xidigaha Geeska

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland  Somaliland  Md. Cabdillaahi  Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa  shalay  xaflad  qado sharaf u sameeyay fannaaniinta xidigaha Geeska oo kaalin  ka   qaatay bandhigii Telefishanka Qaranku ugu tallogalay inuu daawadeyaashiisa ku raaligelinayo munaasibaddii ciidul-adxaha darteed.

asma love BK Cabdiraxmaan Caydiid Cirro furinle iyo asma h Hodan abdirahman khadra sinimmoo Mursal Muuse nimcaan1 xidigaha1
 “Waxaan soo dhawaynayaa dhallinyarradan (Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska)  xafladanna  waxaan u samaynayaa hawshii  TV-ga xalay (habeen-hore) oo markaan daawanayay, waxaan arkay dhallinyarada faraha badan ee codka macaan ee Hargeysa joogta, ismaan lahayn ereyada  aad ku heesayseen iyo codkii saarnaa Hargeysa wuu dhex yaalaa, qof aanan  jaclaysan idinkuma jirin,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa uu intaas ku daray  “Fanaaniintii horena waan soo dhawaynaynaa, taariikhdooda ayaan ka raacaynaa waayo-aragnimo ayaan kala hadhaynaa, wixii nolosha fanka wax ku kordhinaya waan ku dhiiri-galinaynaa inay halkii ka wadaan, idinkuna waxaad tihiin qoladii dambe ee Digital-ka dunida casriga idinkaa ayaannu  kaga qayb- galaynaa xooggiina, codkiina ayaan kaga qaybgalaynaa fanka casriga ah.”
Maareeyaha Telefishanka Qaranka Mr. Khadar Xasan Cali Gaas oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq u jeediyay fannaaniinta xidigaha Geeska, waxanna uu tilmaamay in Telefishanka Qaranka ay u siman yihiin fannaaniintu, ayna soo dhawaynayaan fannaaniinta da’da yarta ah.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidigaha Geeska, abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul, waxaannu ka mahadceliyay sida ay wasaarada warfaafintu ugu heelan tahay inay wax la qabato fannaaniinta xidigaha Geeska.
Berberanews.com
info@berberanews.com