Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro Oo Wasiir Waran-cadde Ka Difaacay Su’aalo Laga Weydiiyey Inuu Xisbiga WADDANI Ka Baxay Iyo In Kale?

Wasiirka Arrimaha Guduhu Ma KULMIYE Ayuu Ka Mid Noqday Mise Weli WADDANI Ayuu Ka Tirsan Yahay?

Md. Cirro Miyaanu Ogeyn In Qof Kastaa Saacadda Wasiir loo magacaabo uu Si Toos ah uga mid noqonayo Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE?

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa si cad isu hor-taagay jawaabaha su’aalo ay Mudanayaal Wakiillada ka tirsani ka weydiiyeen Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde inuu ka tanaasulay xubinnimadii iyo Xisbiyahannimadii Xisbiga WADDANI oo uu ka tirsanaa intaan Madaxweynuhu u magacaabin xilka uu hadda hayo.

CIRRO IYO CALISida lagu baahiyey Caddadkii Isniinta maanta soo baxay ee Wargeyska Somalilandtoday, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland cod aqlabiyad ku ansixiyeen Sabtidii toddobaadkan oo Wasiirku hor-tagay Golahaas. Isla markaana, waxa uu Waran-cadde halkaa kaga jawaabay su’aalo badan oo ay Mudanayaashu ka weydiiyeen hawlaha shaqo ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Qarannimada, Xuduudaha iyo kuwo kale oo door ah, marka laga reebo su’aal uu jawaabteeda is-hor-taagay Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada kaga jira Xisbiga talada haya ee KULMIYE, lagana soo doorto gobolka Sanaag, ayaa ugu horreyn Wasiirka arrimaha gudaha weydiiyey su’aal sidan u dhignayd: Wasiir Waran-cadde waxaan weydiinayaa, illeen Xisbiga WADDANI baannu kugu ogeyne maka tanaasushay kaas?

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa Wasiirka jawaabtaa laga sugayey ka boobay hadalka, isla markaana ku tiraabay weedhan. “Su’aalaha wixii shaqsi ahi kuma jiraan, wixii shaqsi ahi kuma jiraan..kkk..” weedhaa kooban ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiilladu Md. Cabdrixmaan-Cirro oo markaa dhoollacaddaynayey.

Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu su’aal taa la macno ahayd ka barriijiyey Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubba oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada ee laga soo doortay Maroodi-jeex (Hargeysa) ahna Afhayeenka Xisbiga WADDANI, hase-ahaatee, waxa uu weydiiyey su’aal taas ka duwan, balse ay macnayaasha qaarkood wadaagi karaan, waxaanay su’aalaha Mudane Ibraahin Mahadi u dheceen sidan:

Wasiir adigu kamaad mid ahayn Xisbigan hadda talada gacanta ku haya (KULMIYE)….Sida aad la socotana Xukuumaddan aad maanta ka tirsan tahay waa Xukuumadii inna soo maray tii ugu Wasiir beddelka iyo magacawga badnayd, haddaan tusaale u soo qaato sannadkii 2012-kii 96 Digreeto ayaa ka soo baxay Madaxtooyada oo Madaxweynuhu ku saxeexan yahay. 72 ka mid ahi waxay ahaayeen magacaabis iyo xil-ka-qaadis. Su’aashu markaa waxay tahay sideed ula qabsan kartaa ee aad ula shaqayn karaysaa bay kula tahay Xukuumaddan Siyaasiyan aanad hore uga tirsanaan jirin? Ta labaadna waxa weeye; Intee le’eg baad rejo ka qabtaa inaad ku sii nagaato xilka laguu igmaday ee maanta (Sabtidii) laguu ansixinayo?

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka jawaabay su’aalahaas, waxaanu isaga oo ta koowaad ka jawaabaya uu yidhi; “Horta, waxa weeye ninka Madaxweynaha ahi Rag buu doortaa, xil baana saaran Madaxweynaha. Markaa, Ragga uu dooranayo marka hore waxa laga yaabaa qof aanu aqoon inay yihiin, ninka hawl-karka ah iyo ninka tabcaanka ahi waxay ku kala baxaan shaqada gudaheeda. Markaa, Madaxweynuhu wuxu xaq u leeyahay maaddaama oo uu xil ballaadhani saaran yahay Ragga uu cugtay marka dagaalka la galo ee Fardaha la isu fuulo, dee ninka fadhiidka noqda ama ka soo bixi waa la reebi karaa, waa wax uu xaq u leeyahay Madaxweynuhu, waxaana laga yaabaa muddadan immika sida loo waday in Naqwihii la helo.”

“Taa aad leedahay inteed sii joogi kartaa. Mid kama werwersani, laakiin mid baan ka wer-wersanahay, taan ka wer-wersanay waxa weeye, Saaka waxaan isleeyahay Berigii hore si fiican baad ii ansixin jirteen ee saakana ma sidii bay kuu ansixin. Laakiin, taa Madaxweynaha wer-wer kama qabo haddii aan shaqadayda ka soo baxo, haddii aan ka soo bixi waayana dee waxaan noqonayaa qolyaha ay Duca-qabe-du daba socoto.” Sidaas ayuu su’aasha labaadna kaga jawaabay Wasiir Waran-cadde.

Hase-ahaatee, waxay Weriyeyaasha fadhiga Wasiirka ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen ka qaybgalay Sabtidii iyo Xildhibaannada qaarkood-ba si toos ah iyo si gooni-gooni ah isu-weydiinayeen waxa sababay in Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro is-hor-taago su’aalaha ku saabsan inuu Cali Waran-cadde ka baxay xubinnimadii Xisbiga WADDANI iyo in kale, kuwaasoo aanu Wasiirkuna iskuba dhibin jawaabtooda, ka dib hakinta Guddoomiyaha uu Xisbigiisa hore uga tirsanaa.

Sabtidii iyo ka hor toona Cali Maxamed Waran-cadde kama hadal xubinnimada Xisbigii uu Saraakiishiisa ka tirsanaa ee Waddani, hase-yeeshee, waxa jira Xeer Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE lagu ansixiyey sannadkii hore, kaasoo dhigaya in Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ay si toosa Xubin uga noqonayo xubin kasta oo Madaxweynuhu u magacaabo Wasiir ama Wasiir Ku-xigeen, isla maalinta xilka laga qaadana uu Wasiirkaasi waayayo xubinnimada Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan illaa hadda si faahfaahsan loo ogeyn sababta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u hor-is-taagay in Su’aal arrintaa ku saabsan la weydiiyo Wasiirka arrimaha gudaha, balse waxay is-weydiintu tahay tolow weli ma Cirro ma waxa uu is-yidhi taageero ayaa kaga lumi Waddani haddii Waran-cadde muujiyo inuu yahay Xubin KULMIYE ka tirsan, mise weli waxa uu u haystaa Sarkaal ka tirsan WADDANI?

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.