Arday Kulliyada Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa Oo Darasad Kaga Digay Khatarta Wershada Hargaha iyo Saamaha

Hargeysa (Geeska) –Ardayda kuliyadda Sayniska iyo Tijnoolajiyadda ee jaamacadda Hargeysa, ayaa waxay soo bandhigeen daraasad ay ka diyaariyeen khatar caafimaad ee warshadaha Hargaha iyo Saamaha ee deegaanka Dacar-budhuq ku hayaan deegaanka ay ku yaalaan iyo weliba dhul kale oo aad uga durugsan.

Daraasadan oo ay hoolka Jaamacadda Hargeysa ku soo bandhigay ardayda Kuliyadda Sayniska iyo Tijnoolajiyadda, gaar ahaan fasalka  2A ee Biomedical, ayaa waxa Munaasibada lagu soo bandhigay ka qayb-galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech iyo aqoonyahan kale oo tiro badan iyo weliba arday.sunta
Ardayda Biomedical-ka ee Jaamacadda Hargeysa oo muddo saddex maalmood ah ku mashquulsanaa soo diyaarinta daraasadan caafimaad ee ay ku eegeen khatarta ay sheeegeen in warshadaha hargaha iyo saamaha Dacar-budhuq u leeyihiin shacabka ku dhaqan deegaankaasi, ayaa sheegay inay u suurto-gashay inay gudaha u galaan warshada Hargaha iyo Saamaha ee Chine, soona daraaseeyeen sida ay u shaqeyso iyo marxaladaha kala duwan ee uu maro Hargaha ay farsameeyaan.
Mr Xamse oo ka mid ah ardayda daraasadan soo samaysay oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo bandhigay dhibaato uu sheegay inay deegaankaasi ku hayso, marka laga yimaado urta Hargaha oo deegaanka oo dhan dhibaato ku haysa.
Xamse, waxa uu sheegay in warshada Hargaha iyo Saamaha ay gudaha u galeen markii ay wadeen diyaarinta daraasad, ay soo ogaadeen in biyaha iyo sumaha loo adeegsado farsamaynta Hargaha guud ahaan lagu daadiyo meel ay si fudud ugu darsamaan biyaha dadka iyo xooluhu cabbaan, sunta loo adeegsado harguhuna tahay mid awood u leh inay nabaad guuriso dhirta iyo daaqa, marka laga tago-buu yidhi khatarta caafimaad ee aamadaha.
Hormoodka kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Hargeysa Axmed Maxamed Cadaad, oo isna halkaasi ka jeediyay hadalo uu ardayda ku dhiirigalinayey, ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Kuliyadda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda waxaanu doonaynaa inaanu nolosha oo dhan ku dabaqno (Practical)”
Axmed Maxamed Cadaad, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu u sheegaynaa cid kasta in lagu camal falo war-bixinta ay ardaydu soo diyaariyeen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya sunta lagu nadiifiyo hargaha “Sun la yidhaahdo Korooniyam, ayaa lagu nadiifiyaa Hargaha, markii la basrin waayey ayay ku qulqushay toggii iyo baddii, waxayna saamaysay caafimaadkii, haddii aan wax laga qaban waxay si deg-deg ah u saamayn doontaa hiddo sidayaasheena”
Munaasibada lagu soo bandhigay daraasadan oo ay ka hadleen Masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa iyo qaar ka mid ah hormoodada kuliyaddaha Jaamacadda qaarkood, ayaa isaguna waxa hadal kooban oo la xidhiidha daraasadan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda ABAARSO TECH Dr Axmed Xuseen Ciise, waxaanu ardayda ku bogaadiyey daraasadan ay ka sameeyeen warshada hargaha ee Dacar-budhuq, waxaanu Dr Axmed Xuseen Ciise, su’aal galiyey in khasaaraha deegaanka ka soo gaadha warshada hargaha ee Chine-nuhu ku leeyahay Dacar-budhuq iyo faa’idada dalka ka soo gasha.
Dr Cali Sheekh oo ah madaxa waaxda caafimaadka ee Wasaarada caafimaadka Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna sheegay in laba qof ay hore dhibaato uga soo gaadhay sumaha ay warshadu hargaha ku nadiifiso.
Waxa munaasibada daraasadan lagu soo bandhigay soo gunaanaday Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Cabdi Axmed Nuur (Guray), waxaanu sheegay in wasaarada caafimaadku ay wax kasta oo ardaydu uga baahato ay la garab taagan yihiin.