Maalgashiga Ganacsiga Somaliland oo ku Dhawaaqay 21 Ganacsi ku Guulaystay Tartan loo Galay Deeqo Waawayn

Hargeysa-(Berberanews)- aalgashiga Ganacsiga Somaliland (Somaliland Business Fund) oo qayb ka ah mashaariicda Bangiga Adduunku ka wado Somaliland ayaa ku dhawaaqay 21 ganacsi ku guulaystay tartan loo galay deeqo waawayn oo ku kacaya lacag dhan 2.5 milyan doollar.

Tartankan oo ah wareeggii 1aad ee deeqo waawayn oo u dhexeeya $50 kun ilaa 150 kun doollar oo qaybgaleen in ka badan afartan ganacsade, isla markaana dabasocday deeqo yar-yar oo hore loo siiyey 59 ganacsade, kuwaas loogu talogalay in lagu kobciyo ganacsiga dalka, ayaa qiimayn lagu sameeyey kadib waxa si rasmi ah loogu ogolaaday in deeqdaasi lagu maalgeliyo 21 ganacsi oo abuuraya shaqooyin cusub oo ka badan 600 shaqo.

DSC06767Madaxda Somaliland Business Fund (SBF) iyo Guddiga La-tashiga Deeqaha oo ka kooban xubno wasiirro ah, aqoonyahan iyo wakiillado ka tirsan ururrada wadaniga ah, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay mashaariicdan oo u badan wax-soo-saarka khayraadka Somaliland.

War-murtiyeed qoraal ah ay masuuliyiinta SBF ku faahfaahiyeen deeqaha waawayn ee loo ogolaaday 21 ganacsi iyo xogaha la xidhiidha, waxa uu u qornaa sidan;

“Maalgashiga Ganacsiga Somaliland (MGS) waxay shaacisay mashaariicdii ku guulaystay deeqihii waawaynaa ee wareegii 1-aad. MGS waxay bixinaysaa deeqo dhan 2.5 milyan dollar oo la siinayo 21 mashruuc oo ka tirsanaa 43-kii codsi ee hore loo xushay. Deeqahani waxay dhallinayaan abaabul maalgashi cusub oo gaadhaya $6.4 milyan. Maalgashigani wuxuu abuurayaa shaqooyin cusub oo ka badan 600 shaqo, in ka badan saddex meeloodow meel ay noqon doonaan dumar, 15% ay noqonayaan dhallinyaro. 40% deeqaha la bixiyey waxay ka hirgalayaan gobollada ka baxsan Hargeysa.

Marka la isku soo duubo, 59 deeqaha yar-yar ah iyo 21 deeqaha waawayn oo gaadhaya $4.6 milyan ayaa la bixiyey, wadarta saamaynta guud ee laga filayo deeqaha yar-yar iyo kuwa waawayn waa sidan:

·         Wadarta guud ee maalgashiga loo hayaa waxay noqonaysaa $9.5 milyan (marka lagu daro deeqaha la bixiyey)

·         Shaqooyinka cusub ee la filayo inay abuuraan oo ka badan 1,200

·         40% deeqaha la bixiyey waxa la siiyey mashaariic ku salaysan meelaha ka baxsan Hargeysa

·         In ka badan saddex-meeloodow-meel ee shaqooyinka cusub ayaa noqonaya dumar, halka 15% ay noqonayaan dhallinyaro.

Mashaariicda 21 ah ee deeqaha waawayni way kala gadisan yihiin waxaanna ku jira;

Ø  Beeraha – beerida iyo soo saarida sonkorta, beerida sisinta iyo soo saarida saliidda sinsinta

Ø  Xoolaha – naaxinta xoolaha, warshadaynta hargaha, dhaqida digaaga iyo maamul-wanaajinta iyo hourmarinta sayladda xoolaha ee Hargeysa

Ø  Tamarta – aasaasida rugta tababarka ee dib-u-cusboonaynsiinta tamarta, ansixinta iyo hawlaha dayactirida, rakibida qalabka tamarta dabaysha, dhalinta tamarta qoraxda

Ø  Kuluumaysiga – dayactirada warshadaynta kalluunka, qaboojiyayaasha, warshadaynta kalluunka

Ø  Xabkaha iyo beeyada – horumarinta beeyada si loogu dhoofiyo dibadda

Ø  Caafimaadka – baadhista xannuunada

Ø  Warshadaynta – warshadaynta dalaga/cuntada beeraha, tolida iyo fisilaada dharka

Ø  Adeega – iskudubaridida xafladaha

Mashaariicda ay waaxda maamulka maalgashigu (FMU) u xuleen inay helaan deeqaha waxa dib-u-eegis ku sameeyey Guddida La-tashiga Deeqaha.

Guddiga La-tashiga Deequhu waxay ka kooban tahay xubnahan hoos ku qoran;

Dr. Sacad Cali Shire (Guddoomiye) – Wasiirka Qorshaynta

Mr. Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Guddoomiye-ku-xigeen) – Wasiirka Ganacsiga

Dr. Cabdi Aw Daahir                                                               – Wasiirka Xoolaha

Prof. Faarax Cilmi                                                                   – Wasiirka Beeraha

Dr. Siciid Axmed Xasan                                                         – Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis

Ms. Foosiya Maxamed                                                           – Madaxa Ururka Umulisooyinka (SLNMA)

Ms. Nafiisa Yuusuf                                                                  – Ururka NAGAAD.

Ujeeddada maalgelinta Ganacsiga Somaliland waa in la abaabulo hal-abuurnimada iyo ilaha dhaqaale ee ganacsatada si loo kobciyo heerarka dakhliga, shacabka Somaliland-na loo abuuro shaqooyin cusub. Maalgalintani waay ganacsatada ku caawinaysaa inay kor u qaadaan ganacsigooda oo ay casriyeeyaan, si kala gedisan u fidiyaan badeecadahooda, hagaajiyaan wax-soo-saarkooda oo ay casriyeynayaan ama ay ka shaqeeyaan saylado cusub.

Mashaariicda waxa lagu qiimaynayaa iyadoo la eegayo khibrada iyo heelanaanta codsadaha, suuragalka fikirka ganacsi ee codsadaha iyo dhalinta natiijooyin hourmar leh. Maalgalaninta waxay raadinaysaa codsade/-yaal muujin kara aqoon maamul iyo awood dhaqaale iyo weliba la socodka sayladeed iyo sumcad si ay ugu guulaystaan ganacsigooda.

Maalgashiga Ganacisga Somaliland (MGS) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barmaamij uu Baanka Adduunku maamulayo (Private Sector Re-engagement Program Phase II) oo lagu taageerayo horumarinta shirkadaha ganacsi ee Somaliland. Barmaamijkaa waxa maalgaliyey Bangigaga Adduunka oo ay taageero laxaad leh ka gaysteen hay’daha kala ah DANIDA, DFID iyo State and peace-building Fund (SPF) ee Banigaga Adduunka.

MGS waxay diyaarinayaan ambaqaadidii wareegii 2aad ee deeqaha waawayn iyo kuwa yar-yarba. Codsiyadu waxay furmayaan 21-ka bisha June, waxaanay xidhmayaan qabashada codsiyada hore (concept note) 17:00 ee maalinta Sabtida, 10-ka bisha August 2013. Muddadaasi waxay MGS qaban doonaan kulamo ay ku bixinayaan macluumaad khuseeya tartanka wareega 2aad. Waxaad macluumaad dheeraad ah iyo sharraxaad ku saabsan sida loo codsanayo maalgalinta ka helaysaa barta (website-ka) MGS:www.somalilandbusinessfund.com,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-murtiyeedkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, ahna Guddoomiyaha Guddiga La-tashiga Deeqaha Dr. Sacad Cali Shire oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in 21 shirkadood ama ganacsi ee la siinayo deeqdan oo la kala xidhiidha wax-soo-saarka khayraadka dalka ay kala yihiin; laba beeraha ah, shan la xidhiidha ka faa’iidaysiga xoolaha, lix ku wajahan ka midho-dhalinta isticmaalka tamarta qorraxda iyo dabaysha, saddex dhinaca wax-soo-saarka kalluumaysiga ah, hal dhoofinta xabkaha ah, hal baadhitaanka caafimaadka dadka ah, laba warshadood iyo hal adeeg ah, kuwaas oo uu xusay in ay faa’iidooyin ballaadhan u soo hoynayaan dalka. Waxa kale oo uu tilmaamay in deeqda lagu maalgelinayo mashaariicdan deeqaha waawayn iyo kuwii hore ee yar-yaraaba ay Somaliland ugu deeqeen labada dal ee Ingiriiska iyo Denmark.

“Waxaan ku dardaarayaa shirkadaha ku guulaystay deeqdan inay lacagtaa uga faa’iideeyaan sidii ay ugu talogaleen ee ay qorshaha ku soo gudbiyeen iyo in 600 shaqaalaha ah ee aynu filayno inay ka abuurmaan maalgelintaas ay ku qortaan farsamo iyo aqoon ee aanay ku qoran garasho iyo qabiil, waayo shirkadda waxa u faa’iido ah qofkii wax garanaya ee aqoonteeda leh ee maaha qofka ehelkaaga ah ee aan cilmi u lahayn,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Ku-simaha maamulaha maalgalinta Mr. Jim Duncan iyo Mr. Siciid Maxamed Jaamac oo dhinaca xog-bixinta maalgelinta kala shaqeeya SBF ayaa iyaguna hadallo ay halkaasi ka jeediyeen ku hambalyeeyey guulaystayaasha deeqdan iyo dhammaan cid kasta oo iyaga kala shaqaysayba, waxaannay tartamayaasha aan ku guulaysan ku dhiirigeliyey in aanay niyad-jabin ee ay weli fursad u haystaan inay ka qaybgalaan wareegga labaad, iyagoo ugu baaqay in ciddii aan ku qancin natiijada tartanka ay xafiiskooda ugu tagaan si ay ugu caddeeyaan sababaha ay u guulaysan waayeen.