Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska

London(Berberanews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaamineyey oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa shalay  si diirran loogu soo dhoweeyey guriga Baarlamaanka Britain ee West Minister ee London.SAWIR2-300x224

Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelineyey kulankaas uu maanta la yeeshay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Ganacisiga Cabdirasaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale, La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Haweenka Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo.

Sidoo kale, waxaa Madashaasi ku sugnaa Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Ingiriiska, shaqaale ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Ingiriiska, khubaro sare iyo qaar ka mid ah    Saxaafadda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka warramay ujeeddada socdaalkiisa iyo xaaladda guud ee Jamhuriyadda Somaliland, waxaanu tilmaamay inuu dalka Ingiriiska muddadii uu hjoogay uu kala qaybgalay Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska Xuska Munaasibaddii 18 May ee 22-guurada ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

Waxa kulanka daaddihineyey Xildhibaan Tony Baldry MP oo ah Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibeddda ee Baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana ka mid ah Xildhibaanno taageera qaddiyadda Somaliland.

Waraysiga ka dib ayay Mudanayaashii kulanka ku sugnaa iyo kasoo qaybgaleyaashii su’aalo ku weydiiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka iyo WefTiga la socday.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.