Somaliland oo Hawadadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, xadhkahaha u goysay ICAO

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka xaaraantinnimaysay duullimaadyada dhammaan diyaaraha Qarammada Midoobay, islamarkaana shaqada ka joojisay Hay’adda ICAO ee gacanta ku haysay qaybo ka mid ah maamulka hawada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.Wasiir Maxamuud xaashi

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi oo Maanta shir Jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday inay dalka ka mamnuucday Somaliland dhammaan duullimaadyada Qarammada Midoobay, taasoo salka ku haysa go’aan Hay’adda ICAO Maamulka Hawada ugu gacangelisay Wasaaradda Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliya.
Wasiir Xaashi waxa uu sheegay in Somaliland u madaxbannaantahay Maamulka hawadadeeda, go’aankuna hirgelintiisu ka bilaabmayso 15ka May, “Wasiirka wasaarada duulista Somaliland oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Dhawaaqa ICAO waa mid meel ku dhaawac ku ah wadahadalladii anaga, UNDP iyo ICOA iyo dawladda Somaliya, ee looga gol lahaa in lagu dhayo, dhaawacyadii iyo haarihii meesha ka saaraya, oo ifafaalo xunna horseedaya”ayuu yidhi Wasiirku, waxaannu intaa ku daray  “Waa arrin meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland iyo Madax-banaanideeda, waana mid ay ku geftay qaramada midoobay, gaar ahaan hay’adda UNDP. Haddii qaramada midoobay ay sidaa garwaaqsadaan waxay noqon doontaa turunturo hor leh iyo cuqdad ay umadda Somalilandu qabaan, umadda Somaliland-na culays laguma saari karo talaabadan iyo kuwo kale toona oo aan hankooda iyo himiladooda aan lagu baraq jabin Karin oo aan lagu dabri Karin qaranimadooda ay kumanaanka geesi u soo dhinteen, dunida waanu la garami doonaa waanuna ka gar heli doonaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu caddaynayaa in xukuumadda iyo shacabka Somaliland aanay caqbalayn dhawaaqaa shalay oo aanay dawladda Somaliya hawadeeda maamulayn, xaq u lahayn, awood u lahayn oo hadal afka laga yidhi uu yahay”

Berberanews.com
info@berberanews.com