Halkan ka akhriso qoraal garnaqsi ah oo Madaxweyne Silaanyo u diray Beesha caalamka

Washington (DAWAN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ayaa qoraal garnaqsi ah oo uu indhaha caalamka ugu soo jiidayay qaddiyadda Somaliland u kala direy caalamka.

Madaxweyne Silaanyo qoraalkiisa, waxa uu kaga hadlay dhibaatooyinka Geeska Afrika ku habsaday tobanaankii sano ee u dambeeyay.

Beesha caalamka iyo sidii ay ku waajahday, xaaladda halka ay waqtigan marayso, wixii ka dhacay Soomaaliya iyo sidii uu caalamku dhaqaalaha badan ugu bixiyay.

Waxa kale oo uu ku soo qaatay sida ay Somaliland dhibaatooyinkaasi uga soo dabbaalatay iyada oo isku tashatay oo aan cidna taageero ka helin.

Qoraalkaasi oo aad u dheeraa oo aan soo turjunnay waxa lagu baahiyay foreign policy website, waxaana ka mid ahaa; “Guusha aan gaadhnay waa mid ka dhalatay halgan iyo dhibaatooyin qaatay tobanaan sano. Sida inta soo martay ee kale ee badan waayo-aragnimadan iyo dhibka noocan ah, waxa aanu ka baranay casharro muhiim ah, mar dambena uma oggolaan doono inay ku dhacaan dadkayaga wixii soo maray.

“Halka ay Soomaaliya sida weyn u kala daatay, waxa ay Somaliland ka dhisantay dawlad dimuqraadi ah oo deggan oo shaqaynaysa.

Halka Beesha caalamku ka galisay malaayiin si ay u badbaadiso Soomaaliya, waxa aanu annagu beegsanay in aan cududayada isku tashano, waxa aan dhisanay hay’ado dawli ah oo adag, waxaanan samaysannay dhaqaale joogto ah.

Tan iyo 2000, Somaliland waxa ay qabsatay shan doorasho oo si nabadggelyo ah u dhacay, waxaanan kasbanay dhaqan wada tashi oo dimuqraadi ah.”

Madaxweynaha oo kaga hadlaya qoraalkiisa wada hadalka u bilaabmay Soomaaliya, waxa uu sheegay Somaliland inay u furtay sannadkii hore wada hadal hoggaanka Soomaaliya.

“ Dhawaana iyada oo ay taageerayso dawladda Turkiga ayaa aniga(Madaxweyne Silaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya, waxa aan saxeexannay war murtiyeed aanu ku xaqiijinay inay naga go’an tahay in aan wadaagno kalsooni dhisid iyo hagaajinta xidhiidhka u dhexeeya dawladahayaga.

Mudane Siilaanyo oo sii ambaqaadayaa waxa uu yidhi “Wada hadallada mustaqbalka waxa ay ujeedadoodu noqon doontaa in la xoojiyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada, xagjirnimada , budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah, qashinka qubka ioyo dambiyada kale ee halista ah”.

“Waxa ugu muhiimsanaana waxa weeyaan iyada oo ay taageerayso beesha caalamku in ay geedi socodka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay inay u raadiyaan oo ay u caddeeyaan si kama dambays ah meeqaamka xidhiidhkooda siyaasadeed. Soomaaliya iyo Somaliland waa inay ahaadaan laba siman, walibana inta aan jidkani ku gudajiro, waxa aan rajaynaynaa oo filaynaana inay kuwa raadinaya inay taageeraan Soomaaliya, waa inay sida oo kalena raadiyaan inay taageeraan taayadana,” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu waxa uu intaa ku darey;

“Saraakiisha difaaca Mareykanku waxa ay ugu yeedhaan Somaliland inay tahay dal jira oo shaqaynaya, waana sabab wanaagsan, dawladdayadu waa ay shaqeynaysa, waxaanu aqoonsiga diblomaasiyadeed awood noo siinayaa in aan si wax ku ool ah uga qayb qaadano mustaqbal barwaaqaysan oo ka joogtooba Geeska Afrika. Arrintani si looga gun gaadho, waxa aan ka shaqeynaynaa wada hadallada cusub ee Soomaaliya si aan u fidino labadaba xidhiidhada dawladaha kale, isla markaana u dabagalo in aan ka helno meeqaam goobjooge ururada caalamiga ah, oo ka bilaabmaysa IGAD iyo Midawga Afrika.

“Ma weydiisanayno cid kale fursad ah waxa laga yaabo inay maalin Somaliland noqonayso, balse waxa ay tahay in ay aqoonsadaan waxa aan hore u qabsannay. Somaliland waa dal madaxbanaan oo jira oo si buuxda u shaqeynaya, laga soo bilaabo 1960 ilaa 1991-kii waxa aanu siinnay fursad midnimada Soomaali weyn, waase ay shaqeyn wayday, dibna ugu noqon mayno”.