Tababar la Xidhiidha Doorka Warbaahinta ee Adeegyada Caafimaadka oo Hargeysa lagu Qabtay

Hargeysa-(Berberanews)-Tababar ku saabsan doorka warbaahintu ku leedahay hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan kuwa caafimaadka, ayaa loo qabtay ilaa kontan xubnood oo isugu jiray suxufiyiin iyo hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Tababar hal maalin socday oo lagu qabtay maantahuteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen suxufiyiin ka tirsan hawlwadeennada hay’adaha warbaahinta gudaha ee Hargeysa iyo Berbera, saraakiil iyo shaqaale ka socday goobaha caafimaadka Wasaaradda ee Wasaaraddu ku leedahay gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil iyo weliba wakiillo metalayey hay’adaha Qaramada Midoobay ka shaqeeya caafimaadka, waxa lagu falanqeeyey muhiimada adeegyada caafimaadku leeyihiin, baahiyaha caafimaad ee shacabka Somaliland qabaan, gaar ahaan kuwa baahiyaha gaarka ah leh sida tallaalada cudurrada dilaaga ah iyo doorka saxaafaddu ka qaadan karto in adeegyadaasi noqdaan qaar lagu guulaysto oo dadweynuhuna aragti midaysan ka leeyihiin.

DSC05979

Tababarka oo ay qabatay hay’adda HPA (Health Poverty Action) oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda UNICEF, waxa intii uu socday lagu siiyey ka qaybgalayaasha casharro ay ka mid yihiin kaalinta saxaafaddu ku leedahay ka-hortagga cudurrada halista iyo cidhib-tiroodka, wacyigelinta dadweynaha ee maalmaha talaalka caafimaadka iyo faa’iidada laga helayo. Waxa kaloo ka qaybgalayaashu soo bandhigeen doodo ay ku cabbireen ka midho-dhalinta qorshahan hirgelinta adeegyada caafimaadka loo marayo saxaafadda kala duwan.

Deeq Aw Cali Yuusuf oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda HPA oo furitaankii kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada tababarkan ay u qabteen tahay sidii suxufiyiinta hay’adaha warbaahinta loogu baraarujin lahaa ka qaybqaadashada arrimaha bulshada, gaar ahaan kuwa caafimaadka oo muhiimad wayn u leh shacabka. Waxaannu uga mahadceliyey ka qaybgalayaasha sida ay uga soo jawaabeen codsiyo ay u direen.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Sheekh Cumar iyo Nadaxa wacyigelinta wasaaraddaasi Jaamac Yuusuf Ibraahim oo ka qaybqaatay bixinta casharrada, ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen waxay faahfaahin kaga bixiyeen hawlaha caafimaad ee wasaaraddoodu dalka u hayso iyo qorshayaasha u yaal la-dagaallanka iyo cidhibtirka cudurrada halista ah si shacabkeennu u noqdo mid ka fayow halisaha caafimaad-darro.