Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu kicitimay Dalka Britain

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar deg deg ah ugu kicitimay dalka Britain.

 Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta duhurkii ka raacay Diyaarad yar Madaarka Magaalada Hargeysa, isagoo diyaarad khaas ah ka raacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berebera, waxaana sii sagootiyay madaarka Hargeysa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiiladda, Guurtida iyo masuuliyiinta Hoggaanka xisbiga talladda haya ee KULMIYE.

 IMG_0713 IMG_0739 IMG_0759

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu safarkiisa ku sheegay mid shaqo oo dalka Britain ku waajahan, balse waxa uu xusay Madaxweynuhu inuu sii marayo dalka Kenya, wuxuuna xusay inuu dalka Britain wadahadalo kula yeelan doono Masuuliyiintaa dalkaa sida Wasiirka Arrimaha debedda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Ingiriiska.
Sidoo kalena waxa uu xusay inuu kala hadli doono masuuliyiinta Ingiriiska baaqii ay dhawaan muwaadiniintooda ugu baaqeen inay ka soo baxaan Somaliland sababo la xidhiidha cabsi Nabad-gelyo darro.IMG_0739
Madaxweyne Siilaanyo waxa socdaalkiisa ku weheliyay Wasiirrada Arrimaha debedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire Iyo Marwadda koowaad ee Somaliland.IMG_0713