Ramaax: Reer Berbera waxaan leeyahay, bedelkaygu saddex buu metelaa!!!

Berbera-(Berberanews)-Badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa maanta si rasmiya xilka ugu wareejiyay Badhasaabka cusub ee Cali Maxamed Cilmm.

Badhasaabka xilka ka degay ayaa khudbad duurxal u badan ku sagootiyay xilka uu ku wareejiyay Badhasaabka cusub oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Qorshaynta Qaranka, iyo Maamullada Heer Degmo iyo Gobol.

Badhasaabkii Hore ee Gobolka Saaxil ayaa madasha xil-wareejinta ka jeediyay khudbad duurxul u badnayd, waxaannuu yidhi, “Khaalid binu waliid markii xilka laga qaaday ummad badan oo Islaam ah, 120 kun ciidan ah ayuu xukumayay asxaabtii oo dhami way yaabtay, iyadoo ciidankii baxayo oo diyaar yahay ayaa Khaalid xilkii laga tiriyay, halkaana xikmad Rabaani ah baa ku jirta, Nebiguna goobjoog buu u ahaa, bedelka Ramaaxna Berbera waxba u noqon maysaan leeyahay.

Dhinac kale waxay ka meteshaa maalintii Cabdillaahi Xaaji-siciid la dilay, markii maxkamadda loo qaadayay intii aan la qabanin, ayaan anigu Geed ku yaala talista ciidanka Burco ayaan aniguu gaadhi magaalada Burco ugu qurux badan wata idhi soo fuul, wuu iga diiday inaan qaado, isagoo ogaa in la dilayo ayaa wuxuu yidhi aabahay salaam iga gaadhsiiya halkaa aan imika fadhiyo markay laygu yimaado in Ilaahay ii naxariisto iigu soo duceeya, markii maxkammadii dhammaatay waa la qaaday, waxaana lagu yidhi maxaad weydiisanaysaa maxkamadda? Wuxuu yidhi Salaadda intaan tukanayo, intaan cadayanayo iyo intaan laba sunne ah tukanayo, intaasaan idin weydiisanayaa intaan layd toogan, qisadaa wxaaan uga jeeda bedelkaygu meel buu ka metelaa.

Bedelkaygu waxa kale oo uu metelaa Nebi Yuusuf, ku dheeraan maayee waxaan leeyahay Ceel dalam ku sii kii dadka u xigay, taana waxaan u dhaafayaa cidkastoo wax fahmaysa.

Berberai waa Berbera, Saaxilna waa Saaxil, taariikhdu way qorantahay, qalinku wuu qalalay, waxaa weeye kuwaan layliga baran ee aan farad-fuulka aqoon ee baradka siyaasadda ku jira, Berbera laba daammood iyo saddex daamood midna noqon mayso. Berbera maamul isku xidhan baanu ahayn, maamulka cusubna waxaan u rajaynayaa inay halkii ka sii wadaan, amaanna kuma lihi waxaannu qabanay .

Dadweynaha waxaan leeyahay Berberaay kumaan dayicin haddaan Cabdishakuur [Maayarka cusub] kaaga tegay.:”

Badhasaabka cusub ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, ayaa mahadnaq u jeediyay masuulliyiinta kala duwan ee ma ka soo qaybgasay munaasibadda xil-wareejinta, waxaannu ballanqaaday inuu halkaa ka sii wado doono jidkii saaxiibkii Ramaax, islamarkaana u dedaali doono midaynta dadka deegaanka Saaxil.

Berberanews.com

info@berberanews.com