Saaxil Iyo Siyaasadda Xisbiga Kulmiye August 2010 Ilaa 28 November 2012

Saaxil Iyo Siyaasadda Xisbiga Kulmiye August 2010 Ilaa 28 November 2012

Kuwamay Ahaayeen Kaadiradii Saaxil Ee Kulmiye…Halkayse Ku Danbeeyeen?

Siyaasadu malaha saaxiib joogto ah waxase la sheegaa in ay leedahay dan joogto ah

Qalinkii   A. A. Dheere
Q. 2aad

Waa qormo taxane ah oo aan doonayo in aan ku falanqeeyo Saaxil iyo Siyaasadda Xukuumadda Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye laga soo bilaabo xiligii uu Doorashada kaga guulaystay Xukuumadii Daahir Riyaale Iyo Xisbigii Udub ee aan waxba kala Danbayn.

Kayd Cabdilaahi Xandule

Waxaan ku bilaabayaa Baydadkan oo kamid ahaa Gabaygii caanka ahaa ee uu tiryey Abwaankii Rabi Naxariistii Jano haka waraabiyee Ismaaciil Mire

“Kaakici Wadaadkii Dagaal Laguna Kaalmeeye

 Kumayaal lagwada Duubcad buu Keenay Beerdhiga eh”   

Intiinii akhrisatay qaybtii kowaad ee qormadan waxay inoo maraysay intaas uun kuma koobnayn Kaadirada Kulmiye ee Saaxil ee karaamodarada kala kulmay saaxiibkood Siilaanyo markii uu isku hubsaday Kursiga looga taliyo Somaliland ee waxa iyaguna kamid ahaa Kulmiyeyahanada iyagoon ku loxosgoyn xilalkii loo magacaabay laga dhuftay Garyaqaan Cali Axmed Maxamed (Cali Dhegoole) oo mudo kooban ahaa Agaasimaha Waaxda Kastamada Wasaaradda Maaliyadda iyo Cabdiraxmaan Cawil, waxa iyaguna jiray Odayaal magac iyo miisaan badan ku leh bulshada Saaxil iyo weliba qaar kamid ah Madaxdhaqameedka Gobolka oo iyaguna siweyn uga dhexmuuqday Xisbiga kulmiye waqtiyadii uu madaxweynaha maanta Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) halganka ugu jiray sidii uu u halabsan lahaa kursiga uu mudada dheer hamuunta u qabay, iyo weliba waqti aan sidaasi u badnayn oo kamid ahaa maalmihii meelmarinta Maxjarka labaad hase yeeshee sida laga warqabo Duqaydaasi kamay danbayn furitaankii Maxjarka, Odayadaasi waa kuwama? Waa hebel iyo hebel odhan maayo oo jawaabtaa waxaan u dhaafayaa Bulshada gaar ahaana akhristayaasha Berberanews ee qadarinta naga mudan.

Cali Axmed Kooshin Iyo Yuusuf Axmed Maxamed (Halac)

 

Akhristow halkan kuma koobi karo Kaadirada kulmiye ee kazoo jeeday Gobolka Saaxil ee ku hungoobay himiladoodi iyo hanweynidii ay u qabeenba, hadaba akhristow isweydiintu waxay tahay halkee ayay ku danbeeyeen Kaadiradii Kulmiye? Faalo ma leh (No Comment)  yaase ugu danbeeyay ee aan lahaynin ilaa haddana meel ay ku danbeeyeen?  Halkoodina yaa galay? Hadaan ku horeeyo jawaabta su’aasha hore waxa ugu danbeeyey Yuusuf Axmed Maxamed (halac), Maxamed Daahir Xasan (Banbaane), Kayd Cabdilaahi Xandule iyo Cali Axmed Kooshin oo ahaa midhadhka kulmiyihii Saaxil kasii Ciririiqayey kana mid ahaa Murashixiintii Xisbiga kulmiye uga tartamayey doorashadii golaha degaanka degmada Berbera isla markaana ugu taageerayaasha badnaa xiligii Ololaha ayaa 28 November 2012 inta afaridood la dhigay lagu yidhi ragii ma idinkaa ka hadhay? …..  yaa galay halkoodii?…….kala soco Berberanews qaybaha hadhay.

Axmed Xasan Cali Yare (Like) Iyo X. Shide X. Diiriye