Xukuumadda Somaliland Oo ka hadashay Maleeshiyo weerartay Goobo Codbixinta Xudun oo ciidanka qaranku fashiliyay

Sool-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle (Duur) ayaa daboolka ka qaaday inuu fashilmay weerar kooxo maleeshiyaad ahi ku soo qaadeen Goobo codbixintu ka socoto Deegaanka Xudun, ka dib markii ciidanka qaranku ka hortegay.

Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada kooxahaasi ahayd inay carqaladeeyaan doorashada, haseyeeshee aanay ku guulaysan oo ka dhcisoobay, isagoo dhacdadaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Doorashada deegaanku waa doorashadii ugu balaadhnayd waxaanay ka socotaa goobo aad u badan oo aanay doorashooyinkii hore ka dhicin oo ah Sool iyo Sanaag Bari.degmada Xudun waxay ka mid tahay degmooyinka aanay hore uga qabsoomi jirin doorashooyinkii hore, hase yeeshee sanadkan laga qabtay. Maadaama oo ay tahay goob cusub koox maleeshiyaad ah ayaa meelo soo tuur-tuuray. Laakiin may hakin doorashadii Ciidanka qaranka ayaana difaacay.”

Wasiirku waxa uu ka hadlay jawigii doorashada Deegaanku uga dhacday Somaliland,  “Waxa ILAAHAY mahadii ah inay maanta guulaystay doorashaddii Goleyaasha deegaanku, meel walba iyo deegaan kastaba dhawaaqa ka soo yeedhayaa waa dhawaaq nabadeed iyo mid farxadeed oo ah inay doorashadii si habsami ah uga socoto. Aniguna dawlad ahaan nabadda ay ku dhacday ayaanu ku faraxsan nahay.”

“Doorashadii Goleyaasha deegaanku 23-kii degmo doorasho degmo aanay guud ahaan ka qabsoomini ma jirto. Waxase jiray goobo aanay ka qabsoomin oo ay ka mid yihiin deegaamo bariga Sanaag ka tirsan. 21 degmo doorasho oo ka mid ah 23-ka degmo doorasho 100% ayay uga dhacday doorashadda deegaanku. Labada degmo doorasho ee kalena intii laga gaadhi karayay ayaa laga qabtay. Waana doorashadii ugu balaadhnayd ee ku wada fiday degmooyinka dalka oo dhan,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga.

Berberanews.com

info@berberanews.com