“Dadka reer Somaliland iyo dawladoodaba waan ugu hambalyeynayaa inay soo gaadhaan heer ay dadku cod bixinayaan..”Madaxweynaha Soomaaliya

Jabuuti-(Berberanews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoomay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku jooga dalka Djibouti, ayaa tallaabo horumar leh ku tilmaamay doorashada ka dhacday Somaliland, “Dadka reer Somaliland iyo dawladoodaba waan ugu hambalyeynayaa inay soo gaadhaan heer ay dadku cod bixinayaan oo ay kala doortaan cidii talladooda qaban lahayd. Hawshaasi waa hawl horumar leh,”ayuu ku tiraabay Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku jooga dalka itoobiya oo maanta u waramayay Laanta afsoomaaliga ee VOA-da.

Xasan Sh. Maxamuud waxa uu sheegay  inay tahay doorasho ku dayasho mudan “Waa hawl aan ku bogaadinayno waxaanan u rajaynaynaa inay doorashadaasi si nabad ah oo xor ah u dhacdo, isla markaana ay hore u sii waddo qaabkii dimuqraadiyadda oo ah wax ku dayasho mudan.

Berberanews.com

Info@berberanews.com