Xafiiska Sirdoonka India Oo Markii U Horaysay Loo Dhiibey Nin Muslim Ah.

Berbera(berberanews):- Mr Ibrahim Assaf ayaa loo magacaabay agaasimaha xafiiiska sirdoonka India. Assaf waxa uu ahaa khabiir dhanka pilayska iyo nabad sugida, sidoo kale Alok Joshi ayaa loo magacaabay xoghayaha waaxda daraasaadka.
wakaaladda wararka ee “PTI” ayaa axaddii baahisay in Mr Abraham uu yahay masuulkii u horeeyey ee muslim ah ee loo magacaabo inuu maamulo haayadda sirdoonka ee India. Goanka magacaabista masuulkan ayaa waxa soosaaray gudida qaranka taasi oo uu gudoomiye u yahay raysal wasaaraha dalka India Manmohan Singh
masuulkan ayaa la filayaa in uu xilka si rasmi ah ula wareego dhammaadka sanadkan socda bisha December.
Berberanews.com