“Doorshadan oo ah tii ugu horraysay ee xukuumada Kulmiye samaysay waa inay aad u ilaaliyaan nabad gelyada iyo habka doorshadu u dhacayso..”Xuseen Wadaad-yare

Warsaxaafadeed-Dhamaan shacabka reer Somaliland meel ay kala joogaan, waxa aan ugu hanbalyeynayaa nabad gelyada ay inoogu dhamaatay ololohii doorashada xildhibaanada dawladaha hoose ee dalka, run ahaantii waxa ay taasi markhaati ka tahay sida shacabka Somaliland u bislaaday.
 
Haddaba waxa aan ka codsanayaa in xukuumada Somaliland  ay aduunka tusto guulaha shacabka, doorshadan oo ah tii ugu horeysay ee xukuumada Kulmiye samaysana ay aad u ilaaliyaan nabad gelyada iyo habka doorshadu u dhacayso si ay u noqoto mid xor ah oo oo xalaal ah ururada iyo xisbiyaduna ku qancaan natiijada doorashada.
Guddida doorashooyinkana waxa aan u soo jeedinayaan in ay indhaha iyo dhegahaba furaan, aadna ula socdaan dhamaan goobaha dalka si aan wax isdabamarin muran keeni kartaa uga dhicin dhamaan goobaha codbixineed dalka, si cadaalad ahna ugu xaqsooraan ururada iyo xisbiyada tartamaya.
Dhamaan taageerayaashada iyo xubanaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka waxa aan ka codsanayaa in ay si nabadgelyo ah u codeeyaan.
Waxa kale oo aan la socdosiinayaan dhamaan Jaaliyadaha debeda ee xisbiga UCID in xisbiga websatekiisu yahay (www.newucidparty.com) sidaas awgeed waxa ay kusoo diri karaan dhamaan macluumaadkooda laantooda, ama dalkooda. Sidoo kale waxa aan ka codsanayaa in dhamaan guddida degmooyinka, gobolada iyo xaruntuna soo diraan dhamaan waxii ay doonayaan in lagu qoro mareegta xisbiga ee kor ku xusan.
Waxaanad si toos ah u soo gelin kartaan  halka ay ku qoran tabay Contact us. Allaheena (SW) waxa aan ka baryayaa in ay doorashadaasi si nabad gelyo ah inoogu dhacdo.
 
  ALLA              MAHAD                LEH
 
Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare)                                                                            Xoghaya Jaaliyadaha ee Xisbiga UCID