Dedaallada Nabadaynta Muqdisho ee Madaxweyne Xasan iyo Digniinno culus oo uu soo saaray

Muqdisho-(Berberanews) —Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aanno culus ka soo saaray isbaarooyinka isdaba taxan ee magaalada Muqdisho iyo dilalka qorshaysan ee dhaca.

Madaxweyne Xasan oo dhowaanahan waday dedaallo nabadynta Muqdisho ah, ayaa manta Kulan dhexmaray madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo gobollo kale ka soo saaray digniino culus oo lagu ciqaabi doono cidkasta oo ka hor timaada qorshaha nabadda Muqdisho, gaar ahaan wuxuu Madaxweynuhu mamnuucay isbaarooyinka kala duwan ee magaalada oo wixii hadda ka danbeeya tallaabo cad laga qaadi doono cidii lagu arko iyo dilalka qorshaysa ee ka dhaca magaalada.

 Madaxweyen Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dil toogasho ah lagu xukumayo cidii lagu helo kufsi iyo dil, Madaxweynuhu isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Ciddii lagu helo kufsi xukunkiisu waa dil toogasho, arrintaanna waxaa la waafajin doonaa shuruucda dalka, Ciddii lagu helo dambi waa dil toogasho, sharciyada dalkana waa la waafajinayaa arrintaas,” ayuu yidhi Madaxweyne Maxamuud.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu hoosta ka xariiqay dilalka joogtada noqday ee shacabka lagu laayo, waxaannu yidhi “Waxyaabaha la yaabka leh ee Muqdisho ka dhaca waxaa ka mid ah in la yidhaahdo kooxo bastoolado ku hubesan ayaa qof dilay, 10-daqiiqo kaddibna ay xaaladdu isku bedesho sida iyadoo aysan waxba dhicin. Murugaduna waxay ku hadhaysaa qoyskii qofka laga dilay, taasna waa dammiir xumo,” ayuu yidhi madaxweynaha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu mamnuucay isbaarooyinka Muqdisho oo uu sheegay in wixii caawa ka danbeeya cidii lagu qabtaa sharcigga la horgeyn doono,  “Isbaaro wixii caawa ka dambeeya la dhigan karo ma jirto, askarigii lagu helo iyo taliyihiisanna waa la isla soo qabanayaa.

“Wasaaradda maaliyadda iyo lacagta iyo maamulka gobolka Banaadir ma jirto lacago ay qaadi karaan caawa wixii ka dambeeya, waxaana laga doonayaa haddii ay lacag qaadanayaan inay la yimaadaan habkii lagu qaadi lahaa iyo halkii ay ku dhici lahayd,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

 

Berberanews.com

Muqdisho, Soomaliya

info@berberanews.com