Dabley Deegaanka Xuddun ku afduubay Cali-sandulle iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka tirsan ururka Xaqsoor

War Deg Dega: Wefti Uu Hoggaaminayo Cali Sandulle Oo lagu afduubay

 

Sanaag-(Berberanews)-Kooxo malleehsiyaad ah ayaa caawa ku afduubay meel u dhaxaysa Awr-boogaysa iyo Xudur Wefti uu hoggaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Xaqsoor.Cali Sandule, Afhayeenkii ururkaasi Rashiid Jaamac Dhari iyo xubno kale . .

 

Sida uu shebekadda Berberanews u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Xudur ee Gobolka Sool koox Dabley hubaysan ah, ayaa afduubay Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee ururka Xaqsoor iyo wefti uu hoggaaminayo oo deegaankaas u tegay Ololaha Doorashada Dawladaha Hoose, haseyeeshee ay koox dabley hubaysan ahi jidgooye ugu galeen meel u dhaxaysa Xudun iyo Awr-boobaysa oo ka tirsan Gobolka Sool.

 

Warku wuxuu intaa ku daray in weftigan iyo laba baabuur oo ay wateen oo midkood dhacay lagu hayo Deegaanka Laaso-curdin oo 40 km u jirta Xudun, inkastoo aanay noo suurtagelin inaanu helo wax khasaare ah oo ka dhashay afduubka weftigan.

 

Cali Sandulle wuxuu soo qabtay xilka Badhasaabkii Gobolka Sool oo xilkaas loo magacaabay November 2009  xukuummadii uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, waxaanna dhawaan loo magacaabay Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Xaqsoor oo ka mid ah ururada u tartamaya doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland.

 

Berberanews.com

Info@berberanews.com