15 qof oo ku dhaawcmay shil Baabuur oo ka dhacay Duleedka Berbera


 

Berbera-(Berberanews)-15 qof, ayaa ku dhaawacmay shil ka dhashay isku dhaca laba baabuur oo ka dhacay Duleedka magaalada Berbera, gaar ahaan meesha loo yaqaanno “Jiiftada”

 

Sida uu shebekadda Berberanews u xaqiijiyay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, 15 qof ka dib markii ay isku dhaceen bas ka tegay magaalada Hargeysa oo siday taageerayaal u codaynaya mid ka mid murrashaxiinta Golaha Deegaanka Berbera ee ururka Wadanni iyo gaadhi dhayne ah oo ka yimi Berbera.

 “Waa dhaawac sahlan, Laba gaadhi baa isduqeeyay jiifto, 15 qof baa dhaawaca, Wax dhimasho ahina ma jiraan, waa iska sahalo.”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

 

Berberanews, Berbera

Info@berberanews.com