“Doorashada Somaliland Waxa Kaliya oo Aan ka Qeyb Galeyn Dadka Cad Cad ” Faysal Cali Waraabe

Holland (Berberanews.com) Xisbiga UCID oo Dhooltus Aad uu Baladhan ku soo Bandhigay Casimada Somaliland Ee Hargeisa isku Soo baxan Xisbiga UCID oo soo Bandhigey oo ahaa Kii Ugu Baladhaana kuwii Ka Horeyay Dhoolatuskan Ay soo Bandhigeen Tageerayasha Kumanaanka Qof Dhaafey ee tageersan Xisbiga UCID ayaa maanta Subaxnimadii Hore Ee sakaa Lagu Arkayeey Wadooyiinka Waaweyn Ee Casimada iyaga ku sii jiheysan Beerta Xoriyada Maanta oo aheyd Malintii ugu Dambeysay Ee Xisbiga UCID uu olalaha Dorashada Golaha Degaan ugu Dambeysay ,

waxa Hadaba Halka Ka soo Qeyb Galey Musharaxiinta Xisbiga UCID uga Sharaxan Casimada Hargeisa 25 Musharax oo iyagu Goob Joog  ahaa olalaha Laxaadka leh ee Ay maanta ku soo bandhigeen Cududa Tageera ee ay ka heystaan Bulshada ku dhaqan Hargeisa waxey Musharaxiintu Khudbaado Dhinacyo Badan tabaneysa ka Jediyay Beerta Xoriyada iyaga soo Bandhigey Hadii la Doorto Waxey uu Qaban Donaan iyaga oo xusey iney wax weyn ka Qabani Donaan Adeegyada Asaasiga ah Sida , Cafimaadka ,Waxbarashada iyo Biyo La’aanta Casimada Hargeisa inta Badan Sameynta ku Yeelatay Ugu Dambeyntii waxaa Tageeraysha soo Bandhigay Cududa Tageero ee Xisbiga ucid uu Hayaan La Hadley Gudomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe isaga oo Madashaa ka Jediyay Qudbad Dhinacyo Tabaneysaa waxan Hadlkiisa uu ku Bilaabey ” Walalayaal ilahey Ayaa Mahad Leh waxan aad ugu Mahad Naqayaa Dadka Reer Hargeisa ee Cududa xisbiga uu ku leyahey Hargeisa Aad ayey uu mahadsan yihiin , Waxaan iyana ka Raali Galinayaa Dadka Goobahogii Ganacsi iyo wadooyinkiiba Ka xidhmeen ” Mar uu Godmiye Faysal uu ka Hadlayey Doorashada Goolaha Degaanka ee somaliland ayaa waxaa uu Xusay in Doorashadan aya ka Qeyb Galayaan Dad aan aheyn somaliland isaga oo Arinka ka Hadlaya wuxuu Yidhi ” Walalayaal Maanta waxan idin sheegaya Doorashada Somaliland inaney Reer Somaliland oo kaliya ay ka qeyb galeyn se waxa Ka Qeyb Galayaa Dad Aan Somaliland ahey oo ay ka mid Yihiin , Dadka Reer Somalia Ee soo Qaxey , Dadka Reer Ethiopia ee wadanka mudada badan joogey af somaligana Bartay waxa iyaguna sido kale Diyaar uu ah iney Doorashada ka Qeyb Galaan Reer Jabouti “ waxa kale oo uu Mar uu ka hadlayey Cabashada Sami Qeybsiga Ee ay Qabaan Qaar ka mida Beelaha Somaliland uu Sheegay in Cabashaduu ay taheys mid Jirta una Bahan wax ka qabasho Gudomiya Faysal Cali waraabe oo Qudbadisuu Dhinacyo Badan tabaanesay ayaa waxa uu Aad uga Dheeraday in Doorshada Golaha Degaanka ay Cadaadis weyn ku heyso Xukumada uu Hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo isaga Xusay in xukumadu Rabto xisbiyo Gaar ah oo wadato iney soo saarto Halka Kuwa Kale na ay ka reebayso Madasha siyaasada

 Eng: Faysal ugu Dambeyntii Tageerayshiisa waxa uu soo Jediyay hadalo uu badan waano ku saleysan in Qaranimada Somaliland La ilaaliyo iyo jiritaanka xisbiga ucid Ugu Dambeyntii isaga oo ka codsadey iney Codkooga siiya Xisbiga UCID Sii Himilada ay Higsanayaan ay uu gadhaan . Faysal oo Qudbadiisa Maanta ka Muqatey Qiiro muwaadinimo isaga oo Carabka ku adkeyay in Jiritaanka somaliland Yahey Muqadas

Adnaan Shawahaaye
Holland