Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland oo Dib-u-habayn ku samaysay Ruqsadaha Maraakiibta Baaqna u dirtay Shirkadaha Kalluumaysiga

Hargeysa-(Berberanews)- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, ayaa baahisay xeer-nidaamiye ku saabsan diiwaangelinta iyo ruqsad siinta Maraakiibta iyo shirkadaha kalluunka.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), Agaasimaha Maamulka Mr. iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda oo shir jaraa?id oo ay kuqabteen xarunta wasaaradda ku dhawaaqay in si rasmi ah xeerkan u dhaqan galaayolaga bilaabo maanta oo bishu tahay 05/08/2012, iyagoo shirkadaha kalluumaysiga ka ganacsadana ugubaaqay inay dib isu diiwaangeliyaan, kuwa cusub ee aan ruqsada haysanaWasaaradda sida ugu dhaqsaha badahan ruqsada uga qataan.

WasiirkaWasaaradda Kalluumaysiga Md.Cabdillaahi Jaamac Geel-jire oo isagu faahfaahin kabixiyey xeer-nidaamiyahan ayaa xusay in xeerkan uu wax weyn ka tari doonomaamulida ganacsiga kalluumaysiga.

Md.Cabdillaahi Geel-jire waxa uu shacabka kula dardaarmay inay iska dayaan dhaqanka wastada ku dhisan ee cuqaal iyo salaadiin loo soo kaxaysanaayo maamulada dawladda.

WasiirkaKalluumaysiga Md. Geel-jire waxa uu iftiimiyey hayadaha iyo dalalka caawiya,isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay arday deeq waxbarasho loogu diri doono dalka Iran. waxaanu xusay inay dhawr hay’adood uga soo socdaan mashaariic kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Baanka Adduunka,Midowga Yurub,UDP,iyo FAO iyo dawlado kale oo daneeya sidii ay inoo caawin lahaayeen Wasaarada Kalluumaysiga.

Waxaanu intaas ku daray in caawimadooda soo marin doona oo Midawga Yurub, iyo Denmark waxa uu Wasiirku sheegay in deeqdan waxbarasho ay ka faa’iidaysan doonaan labaatan arday.

Waxa kale oo Wasiirka Kalluumaysigu uu farriin u diray Ciidammada Ilaalada XeebahaSomaliland, isagoo u soo jeediyey in xeer-nidaamiyahan cusub iyo xeerarkii horeu  jiray ay ku ilaaliyaan dadka ku hawlankalluumaysiga oo dedaalkooda laban labaan, isagoo sidoo kalena qaybta garsoorkaee gobollada dalku sii buuxda ugala shaqeeyaan xeerkan marka la horgeeyo,cadaaladana  mariyaan dadka la horkeenoee lagu soo eedeeyo inay ku gafeen xeerarka kalluumaysiga iyo shuruucda kale eebadda ku saabsan.

Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa isagushirkadaha iyo ganacsatada kalluumaysiga ku wargeliyey inay dib isagadiiwaangeliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga.

Xeerkannidaamiyahan cusub ee Wasaaradda kalluumaysigu sida rasmiga ah u baahisay waxa uusi toos ah uga hadlaaya nidaamka diiwaangelinta shirkadaha kalluumaysiga iyoruqsad siinta markaabkiibta kalluumaysiga.

Ugu dambayntii Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Jaamac Geel-jire ayaa sisexeexay xeer-nidaamiyahan cusub, kuna dhawaaqay inuu waqtigan laga bilaabo sirasmi ah u dhaqangeli doono.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.