Shirkadaha Dahabshiil Group oo Deeq Shan Boqol oo Xoolo Nool ah isku mar u Qaybiyay Bukaanjiifka 20 Magaalo

Hargeysa-(Berberanews)- “Waxa shirkadaha Dahabshiil Group, oo kala ah Xawaaladda, Somtel, Dahabshiil Bank iyo Ganacsiga, farxad u ah inay kagala qayb-qaadato Bisha Ramadaan ee Barakaysan  ummadda Muslinka ah, gaar ahaan, dadka bukaan-jiifka ku ah cusbataallada dadweynaha (Public Hospitals) ku kala yaalla 20 magaalo, oo ay ku yaalliin xafiisyada u waaweyn ee shirkadda Dahabshiil, deeq  xoolo nool ah si loogu daryeelo dadkaa jilicsan fadliga bishaa barakaysan awgeed.

“Waxa Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef  oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka  cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa  Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.

Waxa deeqdan dhmmaanteed laga qaybiyey 20ka magaalo isku mar oo ku beegan  5 August 2012.

“Deeqdani, oo ay ku baxayso xaddi lacageed oo ka badan US$50 000,  waxay ka mid tahay hawlaha lagu weyneynayo bisha barakaysan ee Ramadaan oo qayb ka ah hawlaha samafalka iyo daryeelka bulshada ee shirkadaha Dahabshiil Group ku taakulayso qaybaha kala duwan ee bulshada danleyda ah ee Soomaalida.”

Deeqdani waxay qayb ka tahay mucaawimooyinka sida joogtada ah bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah shirkadda Dahabshiil ugu taakulayso.

info@berberanews.com

Berberanews.com