Saraakiil Bileyska Pakistan ka tirsan oo shaqadooda ku waayay nin iyo gabadh ay meel fagaare ah ku ciqaabeen qaawaanaan

 
 

Pakistan-(Berberanews/W.W)-Saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Pakistan, ayaa shaqada laga cadyhiyay ka dib markii ay meel fagaare ah ku ciqaabeen nin iyo gabadh sinaystay.

 Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi Booliska magaalada Gambat, ayaa ku khasbay nin iyo gabadh inay iyagoo qaawan hor lugeeyaan saldhigga, kuwaasoo lagu eedeeayay inay sammeeyeen galmo xaaraan ah.

Muuqaallo lagu qaaday moobilka gacanta, ayaa laga daawaday nin qaawan oo ay garaacayaan boolisku iyo gabadh qaawan oo ka baryaysa inay bileysku u ogolaadaan dharkeeda inay xidhato.

Muuqaalka laga duubay dhacdadan, ayaa waxa kale oo ka muuqday nin magaciisa lagu sheegay Mumtaz Mirbahar oo boolisku riixyaan, isaga iyo  haweenada lagu soo oogay sinada oo lagu qasbay inay saldhiga hareerihiisa lugeeyaan, ka dibna ay dad badan oo ka ag-dhawaa ku soo xoomeen oo ay layaab ku noqotay dhacdadani.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com