MO Farah oo ku guulaystay billadda dahabka ee orodka tobanka kun ee mitir ee ciyaaraha olympic 2012

Ciyaaraha-(Berberanews)-Orodyahanka u dhashay Somaliland ee u ciyaara dalka Ingiriiska ee MO Farah ayaa ku guulaystay billadda Dahabka ee orodka tobanka kun ee mitir ee ciyaaraha olympics 2012.

Guud ahaan ciyaartoyda dalkan Ingiriisku maalmahan ugu danbeeyey waxay soo hoyeen guula waaweyn, waxayna ilaa hadda heleen 29 billadood oo 14 dahab tahay.

Waqti yar ka hor guushaasi MO Farah, laba ciyaaryahan oo kale oo Ingiriis ah ayaa iyaguna helay billado dahab ah, labadaasi oo kala ah Jessica Ennis iyo Greg Rutherford dhinaca orodka iyo booddada dheer.

MO Farah waxa uu ku tilmaamay guushiisani maalintii ugu faraxadda badnayd adduunka, waxanu u mahadnaqay dhammaan taageerayaashiisa.

Billadaha Dahabka ee ilaa hadda la helay waxa ugu badan Maraykanka oo qaatay ila 26, waxana ku soo xiga Shiinaha oo 25 billadood oo dahab ah maraya.