Masuulliyiin Xisbiga KULMIYE u Magacaabay Gobolka Saaxil oo khilaaf ka dhex dhaliyay Guddida Fulinta

 

Berbera-(Berberanews)-Khilaaf hor leh oo ka dhashay Guddoomiye iyo Xoghaye cusub oo Xisbiga KULMIYE u magacaabay Gobolka Saaxil, ayaa ka dhex dilaacay Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.

 

Xubno ka mid ah Guddida Fulinta, ayaa shalay soo saaray War-murtiyeed ay kaga digayaan in maamulka Gobolku ku hayo xafiiskooda iyo buuxinta jaggooyinka Guddoomiyaha Iyo Xogyhayaha Xisbiga oo bannaanaa, ka dib markii ay xukuumadda Silaanyo xilal ku taxtay Maamulkii hore ee xisbiga.

 

Haseyeeshee waxa arrintaas gaashaanka ku dhuftay xubno ka mid ah Guddidaas oo sheegay in magacyadooda iyo saxeexadooba been abuur laga sammeeyay oo aanay waxba kala socon hadalka ka soo yeedhay xubnahaas.

 

Xubno ka mid ah Guddida fulinta oo caawa shebekadda Berberanews la soo xidhiihay, ayaa beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen eedo xubno iyaga ka mid ah u jeediyeen maamulka gobolka iyo farogelinta ay sheegeen in lagu hayo buuxinta jagooyinka bannaanaaday.

 

“Waxaan 12 cisho ku sugnaa Hargeysa, waana been abuur layga sammeeyay oo magacayga lagu saxeexay, waaana arrin ku kooban saddex nin oo keliya.

Anagana hoggaanka xisbiga taladiisaanu aaminsanahay oo wixii ay magacaabaan raalli baannu ka nahay.” Sidaa waxa tidi Caasha-hinda Xuseen Faarax  oo ka mid ah Garabka Haweenka.

 

Sidoo kale, Asma Cumar Nuur oo ka mid ah Garabka Haweenka Gobolka Saaxil, ayaa sheegtay in laga been abuurtay, kuna qancsanyihiin cidkasta oo maamulka gobolku u soo magacaabo, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi, “Waa nalaga been abuuray , waxaannu ku qancsanahay ciddii maamulka xisbigu soo magacaabo, waanaannu la shaqaynaynaa.”

 

 

Aadan Xuseen Yuusuf (Aadan dheere) oo ka mid ah Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil, oo isaguna la soo xidhiidhay Berberanews, ayaa sheegay in qoraalkii Guddigu shalay soo saartay uu ahaa mid aanay waxba kala socon, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxay soo saareen war aanan isku ogayn, oo aan laga wada-hadal, wixii aan laysku ogayn ee been abuur ahina waa xaaraan, arrintaasina maaha mid aanu ku wada soconay, arrin aan shaqo ku leeyahay maaha.”


Hkhilaafka aka dhexqarxay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa ka danbeeyay  markii Xisbigu u magacaabay masuullyiin cusub oo magacaabay Gobolka Saaxil, kuwaasoo kala ah, Guddoomiyaha Dr. Cabdi Cilmi iyo Xoghayahe cusub Cali-hala-kaco.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com