Madaxweynaha Soomaaliya oo Cadho kaga baxay Shirka Saxeexayaasha Raodmap iyo sida Muqdisho loogu soo dhaweeyey

Nairobi/Muqdisho-(Berberanews)- Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, ka dib markii uu si cadho ah uga soo baxay shirka Saxeexayaasha Tubta nabadda (Raod-map) iyo Masuuliyiin ka socday dawladda Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo dawladaha arrimaha Soomaaliya daneeya uga socday magaalada Nairobi.

Kadib khilaafaad soo dhex-galay Madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin ka dib markii ay la kulmeen Xoghayaha arrimaha dibedda ee dawladda Maraykanka Hillary Clinton, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka. Madaxweynaha ayaa u duulay magaalada Muqdisho, ka dib markii ay fashilmeen dedaallo lagu soo celinayo oo uu waday Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga.

Waxaana warar-docoodyo laga helay madasha shirka Nairobi ka socday, ayaa tibaaxaya in khilaafku ka dhashay arrimaha Guddiga soo xulitaanka Baarlamaanka cusub iyo cidda u matalaysa ururka Ahlu Sunna shirka saxiixayaasha Roadmapka (tubta-nabadda). Wararku waxay intaa ku darayaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu dalbaday in Guddiga soo xulitaanka Baarlamaanka la kala diro, halka arrintaas ay ka biyo-diideen qaar ka mid ah xubnaha kale ee saxiixayaasha Roadmapka.

Shirkan ka socday Huteelka Panari ee Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waxaanu shirkaasi hakad yar galay markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka baxay, inkasta oo uu gadaal ka bilaabmay, ka dib markii Saxiixayaasha kale ee Soomaaliya ku adkaysteen in shirku sidiisii uu sii socdo, waxaana shirkaa la soo gebo-gabeeyey isla maanta.

Waxaana arrintani ay ku soo beegantay maalin ka dib markii uu buuq ku dhawaaday gacan ka hadal uu ku dhex maray goobtii ay Hillary Clinton kula kulmaysay madaxda Soomaalida, labo masuul oo kala matalaysay ururka Ahlu Sunna, isla markaana isku qabsaday kursigii loo qoondeeyay ururkaas.

Geesta kale, Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa isla maanta markii uu magaalada Nairobi ka soo duulay, ka dib waxa si la-yaab leh loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Masuuliyiin ka tirsan dawladda, Xildhibaanno, Maamulka gobolka Banaaddir, Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha. Waxa iyaguna soo dhaweeyey Kumannaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, kuwaasoo sitay Sawirka Madaxweynaha, Boodhadh waaweyn iyo dhar lagu sawiray muuqaalka iyo magaca Madaxweynaha iyo sidoo kale Calanka bilicda san ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Boqollaal dadweyne ah oo sita Boodhadhkaas oo kale ayuu Madaxweynuhu ku gacan-qaaday garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho. Soo dhawaynta ka dib, waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif qolka Madaxda ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay Shir Jaraa’id, kaasoo uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey Shirka uu Nairobi kaga qaybgalay, kulanka uu la yeeshay Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Hillary Clinton, waxaanu sheegay in Mareykanku Soomaailya ugu hambalyeeyay horumarka ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, Ammaanka iyo Bani’aadamnimada.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaya shirka dhexmaray Mrs Cilnton waxa uu yidhi; “Hillary Clinton waxaan ka wadahadalnay horumarka la gaadhay iyo sida ay tahay in loo sii xoojiyo, dhinacyada amniga, siyaasadda, Bani’aadamnimada, dhinaca arrimaha bulshada iyo Soomaaliya inay 20 sano ka dib noqtay meel nabad ah, arrintaasna Mareykanku aad bay u taageereen.”

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in saxiixayaasha Roadmap-ku ay kulan kale ku leeyihiin, magaalada Nairobi, kaasoo lagaga hadlayo dhammeystirka howsha qabyada ah ee dhismaha dawlad qaran. Madaxweyne Shariif waxa uu tacsi u diray Agaasimihii garoonka diyaaradaha ee Aadden Cadde oo kooxo hubeysan ay xalay ku toogteen magaalada Muqdisho.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.